SHEEKO: Sawirle

0
171

Qasaaye wuxuu ka soo baxay fasalkii sawir-qaadista. Kaamiro ayaa garabka u surneyd. Imtixaan laga qaaday oo sawir-qaadista ah ayuu dirqi ku baasay. Macallinkiisii Mareykanka ahaana wuu u digay — wuxuuna u sheegay Qasaaye inuu qarka u saaran yahay inuu fasalka ku dhaco. Waxaa sidoo kale Qasaaye loo soo diray mashruuc shaqo-guri ah oo sawir-qaadis ah. Labo todobaad inuu ku sameeyo ayaa loo soo qabtay. Qasaaye wax feker ah kama uusan heysan nooca mashruuc ee uu sameyn doono.

Markii uu bannaanka u soo baxayba waxaa qaniinay qabow dhuuxa taabanayo. Duufaan baraf ahna cirka ayay ka soo hoobaneysay. Kilyaha ayuu ka dubaaxeeyay, oo wejiga kuduuday. Inkastoo uu gurigiisa u lugeyn jiray, wuxuu go’aansaday inuu baska raaco. Saacadduu eegay. Imaanshaha baska waxaa ka dhinnayd shan daqiiqo. Wuu sugay. Gawsyaha ayuu isla dhacayay qarqaryo darteed. Sankiisana neef kulul ayaa ka soo baxeysay. Baskii ayaa yimid. Markuu galay ayuu damcay lacagtii bixi. Wixii jeeb ahaa ee uu isku ogaa ayuu midba mar gacanta geliyay. Wuxuu xasuustay inuu cunay lacagtii sarifka aheyd. Saa isagoo yaxyaxsan ayuu dib dib u degtay. Wuuna iska soo lugeeyay.

Qasaaye oo madaxu baraf la caddaaday ayaa waddadii gees ka soo qabsaday. Wuu is ciil kaambiyay. Dal-tabyana dareemay. “Nebciyaa qabowga qurbaha,” ayuu yiri. “Nebciyaa dagaal-ooge siyaasi noqday. Nebciyaa daneyste siyaasi noqday. Shisheeye-kalkaal siyaasi noqday. Diridiraale siyaasi noqday. Qandaraasle siyaasi noqday. Wadaad siyaasad qori u qaatay. Hay’adle siyaasi noqday. Oday dhaqameed siyaasi noqday.” Qasaaye gacmaha ayuu qabowga jeebka ka gashtay. “Nebciyaa! Kuwaas ayaa ku qammaaray mustaqbalkayga iyo mustaqbalka dalkayga,” ayuu lahaa. “Markaasay Soomaaliduna ku dhahaayaan qurbaha ku soo dhawee raggii dalka iga burburiyay — iyo kuwii weli waddanka u dabray danaha shisheeye; shacab walaalo ahna kala eryay. Uf!”

Qasaaye oo ay kaamiradii garabkiisa ka laalaaddo ayaa maqlay fashaqfashaqda gaari isaga u istaagay. Wuu eegay. “Soo gal,” ayuu yiri wadaad garweyn oo gaarigii waday. “Waan ku sii dhaweyn karaa.” Qasaaye qalbadda ayuu ka farxay. Gaarigii ayuu gal damcay. Waxayse ishiisu qabatay dhagaaje xayaysiis ahaa oo gaariga ku koolleysan. Waxaa ku sawirnaa calanka maamul-goboleed iyo calaamadda wadnaha ee jaceylka u taagan.

“I Love Jubbaland!”

Qasaaye caro ayuu jiq is galay. Misana fekrad ayaaba u bidhaantay — iyo qaasatan inuu sawir ka qaado dhagaajeha. Wuxuu la soo booday kaamiradiisii. Intuu hoos isu goday ayuu sawir ka qaaday xayaysiintii maamul-goboleedka. Wadaadkii inta sasay ayuu isyiri malaha wuxu waa jaajuus. Gaarigii ayuu la cararay. Dhiiqo iyo baraf faniin ah ayaa Qasaaye iyo kaamiradiisii wada maasheeyay.

#   #   #

Fiidnimo ayay aheyd. Qasaaye qolkiisa ayuu dhex joogay. Garan iyo macawiis ayuu xirnaa. Waxaa u shidnaa kuleyliye uu aad u dheereeyay. Hal todobaad ayaa uga dhinnaa muddadii uu macallinkiisii u qabtay inuu ku dhammeeyo mashruucii sawir-qaadista. Sariirtiisa ayuu dul fadhiyay, kuna fooraray kaamiradiisa. Sawirro ugu keydsanaa ayuu daawanayay.

“I Love Galmudug!”

“I Love Khaatumo!”

“I Love Himan & Heeb!”

Isagoo hadba eegaya sawir ayaa waxaa u soo dhacay teleefankiisa. Wuu eegay. Magac uma soo bixin.

“Halow — yaa waaye?”

“Naw, oo sidee baadan magacayga u garan?” ayay tiri gabar cod careysan ku qeylinaysa.

“Abaayadiis waad igu soo qaldantay,” ayuu yiri Qasaaye oo weli daawanaya sawirradii. “Kuma kasaayi.”

“Waar ma aniga?!” ayay tiri. “Dee haddaba iska qiro inaad shabeel naagood tahay!”

Qasaaye wadnahaa afka yimid markuu codkeeda garowsaday. Wuxuuna damcay inuu iska dhigo qof iyada dhibayay. “Haa! Kaftan lee iga aheyd, hahaha!” ayuu yiri. “Ii wad sheekada.”

Mise — qab! Teleefankii ayay ku demisay. Qasaaye wuu ku celiyay. Way ka qabatay.

“Horta gabar suuro badan ayaad tahay,” ayuu yiri. “Anna gabdhahaas leeba ka helaa.”

Qab! Teleefankii ayay misana ku demisay. Wuu ku celiyay. Way inkirtay. Wuu ku celiyay mar kale. Way ka qabatay.

“Waar ninkoo i dhageyso,” ayay tiri iyadoo karkareyso, “haddii aad hablo kale la waddid, dee waqtiga ha naga lumin.”

“Runtii gabar aan la hadlo adi lee iigu horreeyay,” ayuu la soo booday isagoo dhoollacaddeynayo. “Waxaadna dumarka dheer tahay qurux iyo suureo. Laakiin Allaha kuu naxariisto haddii aan arko middoo kaa suuro badan.”

Qab! Taleefankii ayay ku demisay. Toban jeer ayuu ku celiyay. Kama aysan qaban. Lambarkeeda si uusan uga bixin ayuu magaceeda keydsaday: Saxarla Suuraleey. Waxay gabarta isku barteen xaflad aroos oo ay malxiisad ka aheyd. Wuxuu isaguna ahaa sawir-qaade. Maalinkii xigay markii sawirradii la wada eegay, madaxa ayaa gacanta la wada saaray — aroosaddiina way barooratay. Halkii uu Qasaaye sawirka u badin lahaa caruusaddii iyo saygeeda, wuxuu kaamiradii la daba galay Saxarla, iyada besna ka qaaday sawirro tayo sare leh. Sidaas awgeed, Qasaaye waa loo diiday in la siiyo lacagtii lagu soo ijaartay sawir-qaade ahaan. Kabo halgaad ah iyo habaarna waa loogu daray. Maalinkaas ayay Saxarla kala qaateen taleefannada.

Wuxuu isagoo weli sariirtii saaran ku noqday inuu eego sawirradii calamada maamul-goboleedka ee ku dhegganaa gawaarida ay Soomaalidu wadato.

“I Love The United States of Abweyn!”

“I Love West Puntland State!”

“I Love Mareeg State!”

Isagoo weli ku foorara kaamiradii ayaa waxaa soo galay adeerkiisa uu la noolaa. Qasaaye wuxuu ku cararay jakada. Wuxuu dabka ku hilmaamay digir uu karinayay. Inta koob biyo ku boobsiiyay digsigii ayuu fandhaal ku walaaqay. Xoogaa ayay ka gubatay digirtii. Hadda ka hor ayaana lagu canaantay cunno ka gubatay.

Odaygii inta bakooraddiisii ku tiiriyay armaajo ku dhaweyd illinka ayuu jaakadkiisii iyo koofiyaddiisii qaboobaha suray katabaan. Odaygii wuxuu galay suuliga. Wuxuu ciidankii xoogga dalka Sooomaaliya ka gaaray derejada korneelnimada. Qasaaye oo isleh adeer u diyaari cashada ayaa qaanad u dhaweyd ka soo dhifsaday saxan iyo saliid iyo caaggii sokorta ku jirtay. Mise weelkii sokorta wuu marnaa. Intuu isagoo macawiis xiran jaakaddii barafka xirtay ayuu u degdegay dukaan u dhowaa. Wuu baxay. Oo misana isla markiiba inta soo rogaal celiyay ayuu gurigii dib ugu soo noqday. Qolkiisiina dalaq ka sii yiri. Wuxuu soo dafay kaamiradiisii. Oo isagoo ordayo misana u baxay dhankii dukaanka.

Barafka iyo qabowga wuu necbaa. Wuxuuse ka sii necbaa qeylada iyo huruufka adeerkiisa haddii uu siiyo casho aan sokor laheyn. Wuxuuse ugu sii necbaa inuu bannaanka u baxo iyadoo aysan kaamiradiisu garabka u surneyn. Intii uu dukaanka u sii socday, wuxuu ag maray gawaari meel barxad ah yaallay. Dukaankii ayuu gudaha u galay, sokortiina soo gatay. Markuu soo baxay ayuu jalleecay gawaaridii safneyd dukaanka bannaankiisa. Mid baa ishiisu qabatay gadaal ku dhegsaday calan maamul-goboleed.

Saa intuu bacdii sokorta dul saaray dhul baraf warnaa ayuu kaamiradiisii garabka kala soo baxay. Qabow ayuu cajarrada iyo lugaha ka dareemayay. Wuu isgoday si uu boobsiis sawir ugu qaado. Macawiistii u xirneyd dabaysha ayaa babinaysay. Wuxuu gadaashiisa ka maqlay cod: “Wiilyahow yaad u dhakaneysaa?!” Qasaaye wuu is adkeeyay si’uu u qaado sawir tayo leh. Neeftuu isku celiyay, nuuxnuuxsigana yareeyay. “War gaariga maxaad ku aragtay?” ayuu misana yiri ninkii.

Qasaaye wuu soo jeestay. Bacdii sokortana laacay, oo yiri: “Taargadii Itoobiya ayaan gaariga ku arkay.”

“Taargo Mareykan baa gaariga iigu dhegganee ma indho yareysay?!”

Qasaaye ma uusan jawaabin. Sawirkii uu qaadayay ayuu fiirinayay.

Wuxuu ninku ku labbisnaa suut madow, shaati cad, iyo taay madow. Wuxuu ka dul qabay jaakad culus oo duf leh. Gacmaha waxaa ugu jiray gacmo-gashi madow oo harag ahaa. Kabo ahaan wuxuu xirnaa kuwo sabiibix hoosta ka ah oo aan barafka loogu talagelin.

Wuxuu misana ninkii yiri: “Macawiisna barafkaan waad qabtaayee soo dhaxan kuma karto?”

Qasaaye oo aan ninka fiirin ayaa la soo booday, “Jinni ma dhaxmoodaa?” Saa Qasaaye hal mar ayuu u soo orday dhankii ninka si uu qabowga uga xaroodo.

Ninkii inta sasay ayuu af-labadii cawdubilleystay. Wuxuu damcay inuu ka cararo macawiislahan ku soo ordayay mugdigan. Hayeeshee kabihii ayaa ninkii u siibtay. Intuu hawada galay ayuu isagoo shafka ku taraaraxayo hoosta ka galay baska iskuullada oo barxadda yaallay. Qasaaye maba uusan arkinee wuxuu isagoo ordayo weli ku mashquulsanaa sawirkii uu qaaday inuu si fiican u muuqday iyo in kale. Gurigii ayuu soo galay isagoo ordayo oo qabowna la jarjareenayo. Bustihiisuu hoosta ka galay. Wuu is huuriyay. Wuxuu ka faa’iideysanayay daqiiqadaha uu adeerkiisa tukanayay salaaddii cishe.

#   #   #

Qasaaye wuxuu fadhiyay miiska cunnada. Wuxuu markaas soo dhigtay canjeero ay islaan deriskiisa aheyd quraac ahaan ugu keentay isaga iyo adeerkiisaba. Waxay canjeeradii ku soo qooshay sonkor iyo saliid macsaro. Kaamiradiisii miiska ayay u dul saarnayd. Adeerkiis ayaa u yimid.

“Waxaan ku iri,” ayuu yiri odaygii, “arrin degdeg ah ayaa soo korodhay.”

“Arrin ka degdegsan ayaa anna i hortaalla, Adeer.” ayuu yirii Qasaaye. “In yar i sug.”

“Ma quraacdan?” ayuu yiri odaygii. “Dadku way quraacdaan — wayna warramaan.”

Qasaaye oo hadalka boobsiinayaa yiri, “Adeerow canjeeraa i hor taallee i sug.”

“Waryaa!!” odaygii bakooraddii ayuu dhulka xoog ugu muday.

Qasaaye weligiisa odayga iskama dhego tirin. Laakiinse subaxaas dheg jalaq uma uusan siinin. Saxankii canjeerada ayuu ku foorarsaday. Wuu laba canleeyay. Oo liqay isagoon calalin. Misana cantuugo cusub xaabsaday. Liqayna. Odaygii yaab ayuu la aamusay. Qasaaye markii uu dhammeeyay quraacdii ayuu madaxa kor u soo qaaday. Oo neefsaday.

“Adeer horta i cafi,” ayuu yiri isagoo faraha leefaya. “Wax la cuno canjeerada ayaan u jeclahay. Markii ay i hortaallana waxaan is iraah boobsii intuusan malakul mowt kuu iman.”

“Saa caqligaaga quud aan laguu qorin miyaad cuni laheyd?” ayuu yiri odaygii. “Cakuye dhallinyaro! Wiilyahow i maqal. Arrinka degdegga ee jiro waxa weeyaan in uu cisbitaal jiifo nin Soomaalida u ahaa caqli iyo indhaba.”

“Kee waaye kaas?” ayuu yiri Qasaaye. “Waaba jeclaan lahaa inaan isbaranno.”

“Jeclaan lahaa inaan isbranno?!” ayuu la soo booday odaygii. “Imisaad diidday inaad sawir-qaade ka noqotid xaflad uu isagu daadihinayay? Soo adiga ku gacan-seeray inaad kala qeyb-gashid xafladdii lagu soo dhaweynayay martidii ka socotay dawlad-gobolkeenna? Baq baq!”

“Oo Adeer maxaad u tiri ninku waa nin Soomaali u ah caqli iyo indho?” ayuu yiri Qasaaye. “Maad tiraahdid reer tolka ayuu indho u yahay?”

“Weligaaba khilaaf socdo ayaad aheyd,” ayuu yiri odaygii oo caro qarsanaya. “Hadda iyo dan, ninkii wuu waashay. Wuxuu lahaa jin ayaa xalay i dardaray oo igu xooray baska iskuulka hoostiisa.”

Qasaaye qosol ayaa ka soo fakaday.

“Ma wax lagu qoslo ayaa meesha yaalla?” ayuu yiri odaygii. “Ninkaas waxaa laga casumay inuu ka khudbeeyo jaamacadda. Waxaana u qorsheysnayd inuu talo iyo baraarujin u jeediyo dhallinta.” Odaygii wuxuu jeebkiisa ka soo bixiyay warqad. “Hoo, waa khudbaddii uu akhrin lahaa. Saakay salaaddii subax ayaa masjidka la iigu keenay. Adigaa booskiisa galaya.”

Qasaaye hingo ayaa ku kacday. Wuu faranaxay. Warqaddii ayuu laacay, oo kala bixiyay. Isha ayuu mariyay dulucdeeda: “Dhallinyaradii mustaqbalka waa idinka. Maanta idinka ayaa joogo dal dimuqraaddi ah. Macaankeedana waad dhadhamiseen. Idinka oo waaya-aragnimadaas ka faa’iideysanaya, waddankiina wax ka dhisa. Dhidibada u aasa nidaamka federaalka ee haatan ka ambaqaaday dalka. Oo waad ogtihiin in waddankii ay ka hano-qaadeen maamul-goboleedyo sharciyeysan. Marka qof walbow wixii aad baratid ku dhis oo hormari maamul-goboleedkaaga….”

Qasaaye markuu intaas akhriyay ayuu warqaddii isku laabay. Odaygii oo sugi la’ waxa uu Qasaaye oran doono ayaa yiri, “Haye? Soo nin jiro ma ahan? Oo ah halyeey iyo af-maal? Dhambaalkase soo ma ahan mid leh hiraal fog? Dhexdhexaad ah? Ummaddana isku keenaya?”

Qasaaye oo u cammirayo ayaa yiri, “Waa halyeey u qalmo billad sharaf!!”

“Haddee Allaha inoo caafiyo halyeeyga. Waa kaas ninka lagugu kari la’ yahay wax ka baro,” ayuu yiri odaygii. “Allaha jinka ka bixiyo. Quraan-saar ayaa u socdo. Bal waxaan ku iri, munaasabadda ay ardaydu isugu imaneyso waa galabta ee isa sii diyaari.”

Qasaaye hingadii waxaa ugu darsoomay laab-jeex. Canjeeradii uu boobka ku cunay oo dhanaan ah ayaa dhuunta u soo istaagtay. Wuu kacay. Koob caano ahna istaagga ku qurquriyay.

“Adeerow hal su’aal,” ayuu yiri Qasaaye oo afka iska tirtiriya.

“Haddaysan muslim-khilaafnimo aheyn soo daa,” ayuu yiri odaygii.

“Maxaa aniga la iigu dhiibay khudbaddan?” ayuu yiri Qasaaye. “Waxaa magaaladan joogo rag iyo dumar iga cilmi badan. Maad iyaga u dhiibtaan akhrinta khudbadda?”

“Doqon ha noqon,” ayuu yiri odaygii. “Ushaada nimaad ka qaadan kartid ayaa loo dhiibtaa. Fursaddan uu haldoorkeenna u helay la kulanka ardayda jaamacadda wallee kuma aan aamino nin beel kale ah — cilmi kasta ha lahaado.”

Qasaaye odaygii ayuu u muusooday. Warqaddii loo dhiibayna jeebka gadaal ayuu geliyay. Iriddii ayuu ka baxay isagoo garabka ku sito kaamiradiisii. Intii uu waddada socday wuxuu hadba sawirro ka qaadayay gawaarida Soomaalida ee lagu dhejiyay calamo taageero u ah dawlad-goboleedyada.

“I Love Awdal State of Somalia!”

“I Love South West State of Somalia!”

“I Love West Puntland State!”

Duhurkii ayuu Qasaaye yimid gurigiisa si uu u qadeeyo, una dhaqdo dharkuu u xiran lahaa jaamacadda. Waxaa taleefankiisa ugu soo dhacay farriin. Wuu eegay. Waa Saxarla. Wuxuu hal mar dareemay farxad iyo naxdin. Wuxuu furay farrinteeda: “I soo wac.” Isla markiiba wuu wacay. Way ka qabatay.

“Suuraleey,” ayuu yiri isagoo dhoollacaddeynaya, “waan ogaa inaad igu soo celineysid.”

Qab. Taleefankii ayay ku demisay. Intuusan taleefanka ku celin ayuu wuxuu maqlay qof soo furaya ilbaabkii guriga. Waa adeerkiis. Odaygii ayuu hal su’aal ka hor geeyay.

“Adeerow su’aal,” ayuu yiri Qasaaye.

“Wixii su’aal ee khudbadda quseysa jawaab uma hayo,” ayuu yiri odaygii. “Cid iga maskax iyo indho dheer ayaa qortay.”

“Maya, maya,” ayuu yiri Qasaaye. “Federaal ma quseyso su’aashan; shukaansiga ayay quseysaa.”

“Hahaha! Adeerow maxaa maanta jiro?” ayuu yiri odaygii.

“Mayee gabar baan ka helay… amaba waan jeclahay.” ayuu yiri Qasaaye. “Iyadana ima nebco. Misana ma aqaan, mar walba waxay igu demisaa taleefanka. U badi inay dhibtu aniga tahay.”

“Uma badinayo ee dhibtu waa adiga,” ayuu yiri odaygii oo bakooraddii tiirinayo. “Talo ma ku siiyaa? Wiilyahow casrigan la joogo saddex ogow markii ay dumarka noqoto: Kow, hadal-macaani. Labo, gacan-furnaan. Iyo saddex, ballan-oofin.”

“Allaha kheyr ku siiyo,” ayuu yiri Qasaaye oo muusoonaya. “Wallaahi intaasba Saxarla igama aysan helin. Qaran-jabka waxaa ii dheer shukaansi-jabka. Keligeyna ma ihi.”

Intuu dharkiisa qaatay ayuu meesha lagu dhaqo geeyay. Dharka Intii uu dhaqmayay ayuu Qasaaye ku soo noqday gurigiisii. Kombiyuutarkiisa ayuu shiday. Dukaan laga dalbado haddiyadaha ayuu wuxuu Saxarla uga dalbay dhowr shay oo yar yar. Lacagtii ayuu bixiyay. Waxaa loo soo diray dhambaal loogu sheegayo in todobaad ka dib guriga loogu keeni doono dalabkiisa.

Daqiiqado ka dib intuu xiray kombiyuutarkii ayuu Saxarla u qoray farriin: “Xuuralcayntii dumarkaay, gabyaa ma ihi, faylasoofna ma ihi — ma aqaan ereyo aan ku cabbiri karo xiisaha aan kuu qabo. Laakiin inaad qalbadda iga degtay waxaa marqaati kaaga ah inaad i hilmaansiisay hawshii la ii soo ijaartay. Adiga dartaana waa tii aan ku waayay magacii iyo mushaarkii aan ku lahaa reerkii arooska ahaa. Saxarlaay qalbi kuu hiloobay lama huruufee jaceylka u hiilli.”

Isla markii uu dirayba farriintii waxaa u soo dhacday jawaab. Waxay soo qortay farriin rajo gelisay Qasaaye: “Waar dee sidii gobtii maxaa kuu diiday inaad u hadashid? Galabta waxaan aadayaa xaflad ee ma isku raacnaa? Anigaa ku qaadayo.”

Qasaaye ayaa farxad awgeed tobanka farood ku boobay farriin: “Gacaliso qalbadda ayaan gob ka ahay. Bishimahase adigaa gob ka dhigi doono oo i bari doono war uurkaaga farxad-geliyo. Tan xigta, aad baan u jeclaan lahaa inaan xafladda kuu raaco. Laakiin waxaa galabta anigana la iga casumay meel kale. Caawo ayaan ku soo wici doonaa, Alle idinki.”

Saxarla way soo jawaabtay: “Haye. Caawo. Joojina inamada aad sawirrada la dhaceysid.”

Qasaaye inta muusooday ayuu u qoray: “Waa ballan.”

#   #   #

Galabnimadii ayuu Qasaaye yimid xafladdii jaamacadda. Waa la tubnaa hoolkii shirka. Afartan daqiiqo ayaa dib loo dhacay. Waxaana aakhirkii lagu billaabay wacdi kooban oo uu akhriyay wadaad ka mid ahaa ardayda jaamacadda. Labo ama saddex ogeysiis ayaa xigay. Shantii galabnimo markii ay qorraxda dhacdayna waxaa la tukaday maqribkii. Hoolkii shirka ayaa lagu soo noqday. Cod-baahiyihii waxaa lagu soo dhaweeyay Qasaaye. Waxaana ardaydii loo sheegay in Qasaaye uu akhrin doono khudbaddii aqoonyahan Soomaaliyeed oo xanuunsaday.

Qasaaye ardaydii ayuu soo hor istaagay. Ma uusan salaamin. Khudbaddii ayuu billaabay.

“Illaa iyo rubuc qarni ayaa Soomaaliyeey la idin lahaa midooba,” ayuu Qasaaye hadal ku billaabay. “Waadna midoobi wayseen. Aniga rubi saac inaan idinku mideeyo ayaan idiin ballan qaadayaa.”

Ardaydii oo rumeysan la’ hadalkiisa ayaa is eegay. Wuxuu isha la raacay dadyowgii madasha soo cammiray. Adeerkiis ayuu arkay oo iridda ag fadhiyo, bakooradna cuskanayay. Qasaaye wuxuu cajal yar oo ay sawirro ugu keydanaayeen geliyay kombiyuutar yaallay cod-baahiyaha dhinaciisa.

“Sawirradaan aan soo ururiyay ila daawada,” ayuu yiri Qasaaye. Sawirradii ayuu shiday, oo waxay ka muuqdeen derbi ka dambeeyay meeshii uu ka khudbeynayay.

Wuxuu hal hal ardaydii u tusay sawirradii ahaa calamo u taagan maamullada looga wanqalay Soomaaliya:

“I Love Bakool Sare State!”

“I Love Hiiraan State!”

“I Love Maakhir State!”

Wuxuu mar kale isha la raacay dadyowgii madasha soo cammiray. Mise Saxarla ayaa uga dhex muuqatay kuraasta dambe. Naxdin ayuu la shigshigay: “Sa-sa-sa-sawirkii u dam-dam-dambee-bee-beeyay waa-waa ka-ka-kanaa.” Qasaaye wuxuu taabtay kombiyuutarkii. Waxaa derbigii ka soo muuqday sawirkii uu yiri wuu u dambeeyay:

“I Love Puntland!”

Qasaaye il-biriqsiyo ayuu aamusay, oo neeftiisa dejiyay — yirina: “Ma idiin sheegaa sababka aan idiin tusay sawirradaan?”

“Haa!” ayay yiraahdeen ardaydii goobta joogtay.

“Sanooyin ka dib calamadan waxay la mid noqon doonaan bahalkii ahaa daynasoorka ee noolaa malaayiin qarni ka hor,” ayuu yiri. “Marka ayaamahan un indhaha ka buuxsada. Oo waan idiin soo ururshay. Shaki iigama jiro inay ku biiri doonaan taariikh dhimatay sidii kumigii iyo taanihii laga isticmaali jiray Soomaaliya.”

Ardaydii hal mar ayay aamuseen. Hadalkiisa ayaa filanwaa ku noqday. Si ay u jawaabaanna ku wareereen. Mid murqaani ahaa oo silsilad u xirneyd ayaa gabar si hoose dhegta wax ugu sheegay. Way soo kacday. Waxay qabtay jiinis iyo funaanad dhaxan oo holof aheyd. Qamaar ayaa madaxa u saarnaa. Waxay u timid waardiye caddaan ahaa oo fadhiyay afka hore ee hoolkii shirka. Waxay waardiyaha u sheegtay inay alaab ku soo hilmaantay gaarigeeda bannaanka yaallay — iyo weliba inay mugdiga ka cabsato. Waxayna waardiyihii ka codsatay inuu u raaco bannaanka. Wuuna ka yeelay.

Murqaanigii waa siduu rabayee markii uu waardiyihii baxay ayuu intuu kor u kacay koob qaxwe ahaa ku soo halgaaday Qasaaye. Wuu ka dhakaday Qasaaye, saa koobkii oo duulaya ayaa ku kor dillaacay derbigii gadaashiisa ahaa. Madaxa ayuu la soo baxay Qasaaye. Mise waa wiilal dhowr ah oo dhankiisa u soo ordayo. Jidbo iyo weyrax ayaa ka muuqatay wejiyadooda. Intii uu iyaga isha ku hayay ayaa dhinaciisa waxaa kaga timid kab dumar oo halgaad ah. Dhegta hoosteeda ayay uga dhacday. Isla markiiba Qasaaye waxaaa ku dul degtay wiilashii. Feer iyo laad iyo suxul iyo jilib — oo waxba loo lama harin.

Qasaaye madaxa iyo lawyaha ayuu is gashtay si uu wejiga uga dhowrto nabar xun. Wuxuu maqlayay codad rag iyo dumar oo afarta jiho kaga imanayay: “Dila! Dulliga!” iyo “Dhiig ka matajiya!” iyo “Maa maantuu dawlad-goboleedkeenna ku matalay kumi iyo taano?!” Cid u soo gurmatay ma uusan helin. Saa wuxuu maqlay mid leh, “Horta dulliga muxuu sawirrada uga reebay calanka Somaliland?”

Qasaaye nabarkii ku dhacayay waxaa uga darnaatay su’aashaa.

Saa mid madax xiirnaa baa ku jawaabay, “Sug aan ka baaree kombiyuutarkiisa.” Qasaaye jugtii ku socotay ayaa laga joojiyay. Kulleetiga shaarkiisa iyo suunka surwaalkiisa ayaa boqol gacmood ku dhegganaayeen. Madaxa ayuu kor u soo qaaday, oo isha la raacay meeshii ay Saxarla fadhisay. Wuu ogaa sawirka u dambeeyo waxa uu yahay. Mana uusan filaneyn inay Saxarla imaneyso hoolka shirka. Saa yuulkii ayaa farta ku riixay kombiyuutarkii. Mise waa sawirkii uu Qasaaye qarinayay.

“I Love Somaliland!”

Yuulkii ayaa yiri, “Oo maxaad isaga kaaya dhigeysay nin yaqaanna caddaalada oo aan u kala eexaneyn calamada?!”

“Jaceyl ugub ah caddaaladda waa u cadow,” ayuu yiri Qasaaye oo weli indhaha ku hayay Saxarla.

Saxarla markii ay sawirka calankii Somaliland indhaha ku dhufatay ayay kor u soo kacday. Iyadoo laafyoonayso ayay koombo cabitaan ah la hor timid Qasaaye. “Waar guux dheeridaa?” ayay tiri. “Maxaad nagu maagtay?” Saa koombadii cabitaanka aheyd ayay ku fooririsay dhakadiisa — oo tiri: “Mar dambe ha i sheegan inankow.” Saxarla markii ay dhaqaaqday ayaa misana Qasaaye lagu billaabay dharbaaxyo iyo qanjaruuf iyo kab. Isagoo nafta la carar isleh ayuu dhankii iridda u baxsaday. Saa adeerkiisa ayaa bakoorad u dhigay. Af-gembi ayuu u dhacay Qasaaye, oo inta soo jeestay ayuu il yaab leh ku eegay adeerkiisa. “Ma adiga xitaa, Adeer?!”

Odaygii ma nuuxsan. Diir-naxna kama muuqan. “Wiilyahow intaas waa ballankii aad iiga baxday,” ayuu yiri odaygii. “Khudbad jeebkaaga ah iskuma aynaan ogeyn.”

Qasaaye intuusan jawaabinba waxaa jiitay ardaydii gadoodday. Kuna billaabeen habaar iyo haraanti.

“Bes iga dhaha! Bes iga dhaha!” ayuu ku qeyliyay Qasaaye.

Waa laga joojiyay garaacii. Isagoo luudayuu miis cuskaday, oo dhulka ka kacay. Wuxuu ag istaagay cod-baahiyihii uu ka khudbeynayay.

“Horta been idiinma sheegin,” ayuu yiri isagoo timuhu rifan yihiin, guluusyada shaatigiisana ay lixda jiho u faniineen sidii Soomaaliya. “Ballantii waan oofiyay. Rubi saac ayaan idinku mideeyay — waa idinkaa hal ku midoobay inaad difaacdaan sheeko xariir ay beesha caalaamku idiin alliftay.” Wuu hinraagayay Qasaaye sidii qof masaafo soo orday. “Xaawo Taako iyo Dhagax-tuur waxay tuuryo kula dagaallameen shisheeye rabay inuu kala qeybiyo Soomaaliya. Nus qarni ka dib, idinka oo ka cilmi iyo aqoon badanna waxaad igu tuuryayseen inaad difaacdaan nidaam qalaad oo dal iyo dadba kala qeybiyay.”

Qasaaye waxaa faruurtiisa ka soo dareeray dhiig. Intuu leefay ayuu ku tufay haan qashin oo isaga u dhaweyd.

“Aniga cilmi ma lihi sidiinnoo kale,” ayuu yiri. “Waxaan quud ka raadsadaa sawir-qaadista. Bal hadalkayga ma rabtaane aan idinkaga tago hal su’aal.” ayuu yiri. Ardaydii shib. Isaga ayay indhaha ku wada hayeen. “Af-Ingiriiska idinka ayaa iga badsha. Su’aalse waxaa iga ah maxaad ugu qanacdeen waxaan la dhaho ‘narrative’ ama sheeko ay dad qalaad idiin abuureen? Maxaydaan idinka u degsan sheeko ka tarjumeyso aayaha Soomaaliya iyo Soomaalida? Ma aragteen ummad dhan oo xor ah oo misana loo abuuro sheeko? Calamadaan aad baabuurta ku dhegsateen waa sheeko la idiin abuuray. Balse sheekada rasmiga ah ee aynu leennahay waa tii halgamayaashii xornimo-doonka ee lixdimaadkii. Waa sheeko leh magac la yaqaan. Ujeeddo la yaqaan. Taariikh la yaqaan. Waa sheeko magaceeda la yiraah Soomaaliweyn. Jiritaanka dareenkaan Soomaaliweyn ayaana ah sababka uusan u cimri-dheeraan doonin qorshaha qalaad ee calamada lagu bacriminayo. Dad walaalo ah xuduud ma kala xirtaa?!”

Qasaaye inta misana leefay dhiig faruurta ka yimid ayuu tufay. Wuxuu isha la raacay adeerkiisa. Ma uusan fadhiyin. Saa intuu cajalkii sawirradu ugu kaydsanaayeen kala baxay kombiyuutarkii ayuu ardaydii eegay. “Aniga waan ku caasiyay nidaam qalaad oo aan ka tarjumeyn rabitaan Soomaaliyeed oo asal ah,” ayuu yiri. “Su’aashu waxay tahay, idinka ma ku caasiyi doontaan nidaam qalaad oo aan ka iman maskax Soomaaliyeed?”

Qasaaye hal daqiiqo ayuu aamusay. Hadba arday ayuu eegayay. Saa intuu sidii qof sarqaansan tallaabada u rogay ayaa u jeestay iriddii hoolka shirka. Waxaa ka hor timid gabartii bannaanka u kaxeysay waardiyihii. Saa Qasaaye intuu iriddii u qabtay ayuu yiri, “Soo gal walaasheey.” Waxay gabartii gudaha u gashay hoolkii, oo ag fariisatay murqaanigii. Qasaayena gurigiisii ayuu u luuday.

Markuu gurigiisii yimid wuxuu iska siibay dharkiii dhiigga iyo wasakhda lahaa. Sariirta ayuu isku tuuray, kuna dheygagay saqafkii qolka. Wuxuu maqlay gariirka teleefankiisa. Wuu eegay. Waa Saxarla iyo farriin cusub. Wuu akhriyay isagoo ku eegayo il daal iyo tabar-darri leh. Sidii in uu tamar ka helay farriintii Saxarla ayuu muusooday Qasaaye. Sariirtii ayuu hal mar ka soo booday. Wuxuuna boobsiis ugu jawaabay Saxarla: “Aniga xitaa. I love you, Saxarla!”

Tabar ruuxi ah ayuu Qasaaye dareemay. Inta shukumaan laacay ayuu meyrasho u dhaqaaqay. Taleefankiisii oo gacanta ugu jiray ayaa mar kale gariiray. Wuu eegay. Waa kaftan ka yimid Saxarla: “I Love yuudaada tolow xor ma ka tahay beesha caalamka?!” Qasaaye inta beerka qabsaday ayuu isagoo fixfixleynayo taleefankii saaray miiskii qolka fadhiga. Suuliga ayuu galay. Misana orod ayuu uga soo baxay sidii qof bahal soo eryaday. Hal su’aal oo ku taagneyd ayuu u diray Saxarla: “Horta canjeero sida loo dubo ma taqaan?” Taleefankiisa intuu miiskii mar kale dul saaray ayuu suuligii galay. Markuu ilbaabka hoos ka xirtay ayaa taleefankiisii gargariiray. Waa Saxarla: “Canjeero waaxay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here