maahmaah xarafka A

0
447

 

Maah maahyo soomaaliyeed

  1.  amuur aadan laheen is gal galis aa wax looga cunaa
  2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
  3.  Aar qoyey dacawo la mood.
  4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
  5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
  6.  Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
  7.  Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
  8.  Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
  9.  Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
  10.  Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
  11.  Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
  12. Adduun i khatal.
  13.  Adduunyo ka kabo li’id, aakhirana u salaad li’id.
  14. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
  15.  Adhi jiri ma kala abaal waydo.
  16.  Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
  17. Adhi magantii ma barriiyo.
  18. Adhi shidho laga daayo.
  19.  Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
  20. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.