maahmaah xarafka B

0
609
  1.  Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa
  2.  Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
  3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
  4.  Baddu waa isku dhadhan.
  5.  Badhi mag ma laha.
  6. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
  7. Balaayooy buulkaagaa laga galaa.
  8. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
  9. Ballaysin bir ka adag.
  10. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
  11. Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
  12. Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa.
  13. Barasho horteed dad ha nicin
  14. Barasho horteed ha i nicin
  15. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
  16. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
  17. Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
  18. Bartii yaqaan, bari uma korodho.
  19. Bartii yaqaannbar xoolaad kuma korodho.
  20. Baruur qudhuntay baa baruuro badan qudhmisa
  21. Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
  22. Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
  23. Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
  24. Basari buulkeeda bayaayo waaye
  25. Baso waa baso si kastoo loo subko.