DUGSI MA LEH QABYAALADI (Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” )

0
360

HORDHAC 

MAXAA LOO WAAYEY TAARIIKHDA ABWAANADA IYO GABAYADOODA?

SUAASHAAS JAWAABTIIDA WAXAAD KA HELLAYSAA HALKAN WAA TABIYAHA SUUGAAN 

DHAMAAN INTA JECEL SUUGAANTA SOOMAALIYEDD HALKAN WAA GURIGAAGA .

SUUGAANTA SOOMAALIYEED AAN HALKAAN KUSOO GUDBIN DOONO WAXAY KALA TAHAY

GABAYO ,SHEEKOOYIN, MAAHMAAHYO …….

WAXAAN SOO GUDBIN DOONNAA BUUGGII LAMAGAC BAXAY

(DIIWAANKA  MAANSADII DEELEEY ), WAXAA QORAY BUUGA

(Q/ AXMED FAARAX CALI IDAAJAA) & (Q/ IBRAAHIM CAWAD “KHOOLI”)

KUSOO DHAWAADA GABAYGA UGU HOREEYA BUUGGA :


1. DUGSI MA LEH QABYAALADI

Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” 

Gaarriye wuxuu ku dhashay Hargeysa 1949; waqtigii Deelleyda wuxuu

ahaa aqoonyahannada Akademiyada. Wuxuu ka mid yahay raggii qaybta

wacan ka qaatay Siinleyda. Suugaantiisu aad bay u badan tahay, hase

yeeshee, fursad wacan uma helin inay ku baahdo dadweynaha oo

idaacadda iyo masraxa ay ka baahdo. Waxay ku eg tahay saaxiibbada iyo

indheergaratada suugaanta danaysa.

Maansadan uu ku furay silsiladda Deelleyda wuxuu si guud ugaga

warramayaa dhibaatooyinka iyo naafooyinka ay qabyaaladdu u geysatay

Soomaalida. Wuxuu ku doodayaa in “daaddihiyayaasha iyo maamulku ay

sabab u yihiin soo noolaanshaha qabyaaladda”. Laakiinse wuxuiu

maansadiisa ku gunaanadayaa inuuu nabarkii damqay, uusanse weli

dawadiisii helin. Warankiisa dib ayuu u kaydsaday. Dagaal waa gelin dambe :-


dig dhe deelka maansada

tixo dur iyo daabac ah

isku duubni wadareed

ha ka dudo shan-xuubluhu!

arrin waa la digarogay

doonyihii la raran jirey

markab baa ka daba yimi

cirka haadda duushaa

ka duudduubte samadii

waxa helay dayuurado

deja baalashii yidhi

daacuunki firidhkiyo

daaniyihii dhaqaalaha

rag duraa ku soo baxay

kuwa daafka fidiyiyo

dableyaasha dhimanow

digtoonaada way kane!

afartaa docdaa mari

dersigaygu waa meel

taariikhda duugga ah

waxan ugu hor daabacay

xil damiirku qaadiyo

waa faral dushayda ah

qalinkiyo dawaaddaa

inaan fuliyo ii diray

nin qabyaalad doojoow

doqonniimo waa cudur

haddii aad dux leedahay

bal docdaada uun eeg

inta dumar agoomo ah

inta darib nin lagu cunay

inta duul ku qaran-jabay

Waxan uga dan leeyahay

Debec yaa lahaayeey

maxaa degel ku baabba’ay?

maxaa dhacay umula-doox?

anigaa nin dooriyo

nigaa wax dumin kara

maxaa beel ku damug tidhi?

dulbaaxdiina loo wadhay?

darka iyo xareed iyo

daaq laysu qoonsado

dirirtiyo colaaduhu

maxay haad dibbiriyeen?

islaan wiilki laga dilay

dugayeey maxay tidhi?

dadab iyo aroos iyo

aqal labo-daryaale ah

maxaa daaha loo rogay?

waxan uga dan leeyahay

sumad iyo dirsooc iyo

gofkii duuf ku nooloow

Alla-doori baad tahay

Soomaali waa duud

dakan-qabe ha joogee

waa ul iyo diirkeed

deris iyo tol wada yaal

nin danlaana kala gura.


lawadaag asxaabtaada !!