Goolhayaha kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabalaga ayaa sharaxaad ka bixiyay dhacdadii muranka dhalisay ee xalay ka dhacday garoonka Wembley inta lagu gudi jiray kulankii finalka ee koobka EFL Cup.

Manchester City ayaa kaga qaaday kooxda Chelsea rigoorooyin koobka EFL Cup, kadib markii ay labada kooxood ismari waayeen.

24 jirka reer Spain ayaa iska diiday inuu u hogaansamo amarka tababare Maurizio Sarri ku dhawaad dhamaadka ciyaarta ee waqtigii dheeriga ahaa lagu daray, wuxuuna si cad u diiday inuu garoonka ka baxo si badalkiisa loo keeno goolhaaye Caballero.

Laakiin Kepa ayaa ciyaarta kadib sheegay in falkii uu sameeyay uusan kala jeedin inuu diido go’aanka tababare Maurizio Sarri wuxuuna yiri:

“Waxaan dhihi karaa in aan si qaldan wax u fahmay, ma rabin inaan amar diido sameeyo mar walba, ama wax kasta ee ku aadan tababaraha, kaliya, si qaldan ayaan wax u fahmay, sababatoo ah laba jeer ayaan daaweyn kala kulmay dhakhaatiirta, waxaana u qabay inuu u mooday inaanan sii wadan Karin ciyaarta”.

“Waxay ahayd labo ama seddex daqiiqo oo jahwareer ah, ilaa iyo markii uu ku soo laabtay kursiga keydka, isla markaana ay si wanaagsan wax walba ugu sharaxeen”.

“Ma ahayn arin la xiriirta dhibaatooyinkii aan qabay isbuucan, ee ah dhaawac dhanka muruqa,

Goolhayaha kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabalaga ayaa sharaxaad ka bixiyay dhacdadii muranka dhalisay ee xalay ka dhacday garoonka Wembley inta lagu gudi jiray kulankii finalka ee koobka EFL Cup.

Manchester City ayaa kaga qaaday kooxda Chelsea rigoorooyin koobka EFL Cup, kadib markii ay labada kooxood ismari waayeen.

 

 

 

24 jirka reer Spain ayaa iska diiday inuu u amarka tababare Maurizio Sarri ku dhawaad dhamaadka ciyaarta ee waqtigii dheeriga ahaa lagu daray, wuxuuna si cad u diiday inuu garoonka ka baxo si badalkiisa loo keeno goolhaaye Caballero.

Laakiin Kepa ayaa ciyaarta kadib sheegay in falkii uu sameeyay uusan kala jeedin inuu diido go’aanka tababare Maurizio Sarri wuxuuna yiri:

“Waxaan dhihi karaa in aan si qaldan wax u fahmay, ma rabin inaan amar diido sameeyo mar walba, ama wax kasta ee ku aadan tababaraha, kaliya, si qaldan ayaan wax u fahmay, sababatoo ah laba jeer ayaan daaweyn kala kulmay dhakhaatiirta, waxaana u qabay inuu u mooday inaanan sii wadan Karin ciyaarta”.

“Waxay ahayd labo ama seddex daqiiqo oo jahwareer ah, ilaa iyo markii uu ku soo laabtay kursiga keydka, isla markaana ay si wanaagsan wax walba ugu sharaxeen”.

“Ma ahayn arin la xiriirta dhibaatooyinkii aan qabay isbuucan, ee ah dhaawac dhanka muruqa, si qaldan ayuu wax u fahmay, wuxuuna ku fikiray inaanan awoodin sii wadista ciyaarta, runtii waxaan isku dayayay inaan muujiyo in jir ahaan aan aad u fiicanahay”.

, runtii waxaan isku dayayay inaan muujiyo in jir ahaan aan aad u fiicanahay”.