“waxan isku dayi doona inaan kabadino atletico madrid”-cristiano ronaldo

0
259

Weeraryahanka kooxda reer Talyaani ee Juventus Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in ciyaartoyda Bianconeri ay awoodaan inay kasoo laabtaan guuldaradii 2-0 ahady ay kala kulameen Atletico Madrid kulankii ay ku wada ciyaareen lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Kooxda Juventus ayaa ku soo dhaweyn doonta habeen dambe ee Talaadada ah dhigeeda reer Spain ee Atletico Madrid garoonka Allianz si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League.

Hadaba xidigii hore kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa kahor kulankan u sheegay saxaafada in kalsooni weyn uu ku qabo inay kasoo laaban karaan guuldaradii 2-0 ahayd ee Atletico Madrid.

“Kooxda waxay kalsooni ku qabtaa inay awood u leedahay inay sameyso kulan weyn, anigana sidoo kale, xaqiiqdii waxaan heysanaa inaan ku noolaano habeen aan caadi ahayn dhamaantayada”.

“Atletico waa koox xoogan, qof walbana wuu ka war qabaa, si fiican ayay u difaac tamaan, sidoo kale waxay ku fiican yihiin weerarada gaadmada ah, laakiin diyaar ayaan u nahay, waxan dooneynaa inaan sameyno wax walba oo aan ku guuleysan karno, waxan dooneynaa inaan u gudubno wareega xiga ee sideeda”.

“Tani waa kubada cagta, cidna ma fileynin inaan la kulmi doono guuldro kulankii lugta hore, lakiin wax walba waa suurtagal, waxaan dooneynaa in jawaab cad aan ku dhex bixino garoonkeena iyo jamaahiirteena”.

Si kastaba Cristiano Ronaldo oo kasoo dhaliyay kooxda Atletico Madrid 22 gool xiligii uu ku sugnaa Real Madrid, ayaa ugu baaqay jamaahiirta Juventus inay si weyn u garab istaagaan, isla markaana ay ku fikiraan wax wanaagsan, inkastoo ay la kulmeen guuldaro kulankii lugta hore.