Man Utd iyo Arsenal oo diirada u saaran suuqa kala iibsiga-iyagoo baadi goobaayo xidig roma u cayaaro !!!

0
41

Manolas ayaa si joogta ah loola xiriirinayay Red Devils iyo Gunners sannadihii u danbeeyay.

Sida laga soo xigtay wargeyska Talyaaniga, daafaca reer Greek ayaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago Roma xagaagaan hadii ay ku guuldareystaan ​​inay helaan booska Champions League.

Calciomercato ayaa sheeganeysa in Manolas uu qandaraaskiisa lagu burburin karo qandaraaskiisa kaas oo uu ku arki karo inuu ka tagayo 31 milyan ginni hadii Roma aysan ku dhameysan afarta koox ee ugu sareeya horyaalka  Talyaaniga.

Waxay haatan ku jiraan kaalinta shanaad ee horyaalka Serie A, afar dhibcood ayaa kaalinta afaraad kaga jirta AC Milan, iyagoo dhawaan soo ceyriyay tababaraha Eusebi de fransisco.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here