Thursday, July 18, 2019
Home ciyaaraha Wax ka ogooow 10-ka ciyaariyahan ugu wanaagzan xili ciyaareedkaan horyaalada yurub!!

Wax ka ogooow 10-ka ciyaariyahan ugu wanaagzan xili ciyaareedkaan horyaalada yurub!!

0
102

Waxaaa isweeydiin mudan waa kuwee 10-ka ciyaariyahan ugu saameeynta badan xilli ciyaareedkaan tartamada yurub .

Football statics eey sameeysay majallada whoscored.com ayaa lagu soo bandhigay 10-ciyaariyahan ugu tayada wanaagzan horyaalada yurub.

10. Duvan Zapata – Atalanta

Weeraryahankaan reer Colombia ayaa ah Kuwa ugu saameeynta badan xilli ciyaareedkaan kubada Cagta qaarada yurub . Waana mid kamida goal-dhaliyaasha ugu sareeyo horyaalka sarei A isagoo dhaliyay  17-goal wuxuuna labo goal ka hooseeyaa superstarka weeyn kooxda Juventus cristiano Ronaldo.

9. Wissam Ben Yedder – Sevilla

Weeraryahan reer France iyo kooxda Sevilla ayaa 40% ka qeeyb Qaatay guulaha naadiga Sevilla.

Benyeder 16-goal ayuu ka dhaliyay kulamada horyalka sidoo kale goal ayuu dhalinaayay ama wuu caawinaayay afartii kulan ugu danbeeysay uu ciyaaray  .

8. Cristiano Ronaldo – Juventus

 
Superstarka reer Portugal mid kamida xidigaha ugu tayada wanaagzan caalamka ayaa isna ka caawiyay Juventus ineey Hogaanka uheeyso farqiga dhibcaha horyaalka serie A wadanka Italy.
34-jirkaan ayaa 27-goal ka qeeyb qaatay 26-games uu saftay .

7. Pierre-Emerick Aubameyang – Arsenal

Xidiga reer Gabon iyo kooxda Arsenal ayaa liiskaan kaalinta 7-aad kazoo galay isagoo dhaliyay 17-goal.

6. Jadon Sancho – Borussia Dortmund

Weerayahanka garabka bidix uga ciyaara xulka Egland iyo kooxda Borussia Dortmund ayaa nambarka 6-aad liiskaan kasoo galay isagoo 8-goal dhaliyay xili ciyaareedkaan waxa uuna caawiye ka Noqday 12-goal , waana mid kamida xidigaha ugu caawinta badan qaarada yurub xilli ciyaareedkaan.

5. Antoine Greizmann – Atletico Madrid

Weeraryahanka reer France ayaa xili ciyaareedkaan 12-goal u ansixiyay naadigiisa isagoo 7-caawin geeystay waana mid kamida xidigaha ugu tayada wanaagzan caalamka.

4. Paul Pogba – Manchester United

Ku guuleeystaha koobka aduunka xidiga reer France ayaa ah mid kamida xidigaha ugu saameeynta badan xilli ciyaareedkaan  , Kadib imaatinkii olle gunner solskjaer xidigaan ayaa form Fiican ku jiro isagoo ansixiyay 11-goal wuxuuna caawiye ka noqday 9-goal .

3. Lionel Messi – FC Barcelona

Barcelona saameeyn malahaan leheeyn Hadii uu messi ka maqnaan lahaa sida whoscored.com shaacisay Barca kaalinta 4-aad ayeey fadhin lahaayeen hadii laga Reebo waxqabadka xidigooda messi . Isagoona ku hogaamiyay in 10-dhibcood hogaanka ku qabtaaan .

2. Eden Hazard – Chelsea

Inkastoo Chelsea form fiican ku jirin hadana eden hazard ayaa ah mid saameeyntiisa Wato waana xidiga goalasha +caawinta ugu badan sameeya horyaalka EPL.

1. Nicolas Pepe – Lille

23-jirkaan ayaa ka qeeyb qaatay 44% dhibcaha kooxda Lille isagoo dhaliyay 17-goal sidoo kale 8-caawin sameeyay iyagoona kaalinta 2-aad ka fadhiyaan kala saareeynta horyalka lige 1 , hadii laga reebo goalasha iyo caawinta xidigaan kaalinta 14-aad ayeey fadhin lahaayeen kooxda Lille.

Dhamaaaad ..

W/Q:  Abdi Aziz ibraahim maxamed ( saalamiin) 


Powered by Live Score & Live Score App
Skip to toolbar