3CALAAMADOOD OO MAN CITY UGU GUULAYSAN KARTO SEDEXLEY KOOBAB AH

Kooxda Pep Guardiola ayaa boos ka heshay finalkii koobaad ee xilli ciyaareedka iyadoo uga mahadcelisay guul 1-0 ah oo ay ka gaareen Brighton iyo Hove Albion, taasoo u dhiganta Wolverhampton Wanderers ama Watford 18ka May inay ubixi karaan midkood.

Man city ayaa loo saadaalinaaya inay ku guaysan karto marka loo eego labadda koox ee finalka midkood kula ciyaari doonto.


1. Kevin De Bruyne oo kusoo laabtay shaxda man city.

Ciyaaryahankan xilli ciyaareedkii hore wuxuu sameeyey bandhig cajiiba horyaalka Premier League, Kevin De Bruyne ayaa si aad ah u ciyaaray xilli ciyaareedkan inkastoo ay soo gaareen dhaawacyo

Xiddiga reer Belgium ayaa ku dhibtooday dhibaatooyin dhaawacyo ah xilli ciyaareedkan, laakiin ugu dambeyn waxaa muuqda inuu diyaar u yahay inuu ku soo laabto Manchester City – iyo waqtiga loogu talagalay inuu la qaato kooxdiisa.

Dhanka kale, markii labaad ee xilli ciyaareedkan, De Bruyne ayaa si toos ah ugu lug lahaa labo gool oo isku xigta oo uu shabaqa soo taabtay kulankii Cardiff City bartamihii isbuucaan, isagoo caawiyay kulankii furitaanka ee Wembley.

Soo laabashadiisa booskiisa khadka dhexe, imaanshaha De Bruyne ayaa ku soo biiray nooc kale oo hal abuur leh oo ka soo jeeda dhinaca Guardiola kooxdiisa, waxaana uu muhim u noqon doonaa kulamada waaweyn iyo difaaca adag ee man city.

2. Hogaanka ay hayaan EPL iyo finalka FA CUP ay gaareen.

Ma ahan wax ku filan oo kaliya in ay ahaato koox wanaagsan oo leh ciyaartoy fiican. Si aad ugu guuleysato koobab, waa inaad sidoo kale ku soo laabataa.

Taas ayaana ah sida ay Man City u muuqato inay heysato, haddii FA Cup semi-finalka ay kodbeen una godbeen finalka

Sidoo kale kooxda ayaa haysato ciyaartod wanaagsan oo taam ah .

3. Aymeric Laporte waa Vincent Kompany cusub badalka kabtanka kooxdana noqday.


Tan iyo markii Manchester City la wareegay 2008dii, hal nin ayaa shakhsiyan uqaaday wax walbo waana kabtanka kooxda vicent kompany .


Vincent Kompany waxa uu ku sugnaa qalbiga City badankeeda tan iyo markii uu yimid, laakiin dhibaatooyinka dhaawacyada ayaa u muuqday inuu qaatay kaalin ka badan sanooyinkii lasoo dhaafay, iyadoo Citizens aysan si dhab ah hellin ciyaar yahan u badalo.
Kaliya maahan laporte ee waxaa is fahansan ciyaartoyda kooxda iyo daafaca .

Laakiin waxay u egtahay inay ugu dambeyntii leeyihiin. Aymeric Laporte ayaa kulan cajiib ah la ciyaaray Brighton sabtidii, taasoo muujineysa sida ay muhiimka u tahay daafac dhexe oo cajiib ah.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here