IVAN RAKATIC OO DOORTAY KOOXDII UU KU BIIRI LAHAA XAGAAGA SOO SOCDA !!!

Ivan Rakitic ayaa jeclaan lahaa inuu u dhaqaaqo Juventus xagaagan ama Manchester United.


Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Croatia ayaa lala xiriirinayay inuu u wareegayo Old Trafford, iyadoo laga dayrinaayo mustaqbalkiisa Barcelona.

Rakitic, oo 31 jir ah, ayaan dooneynin inuu ka tago Camp Nou, islamarkaana uu isha ku hayo inuu saxiixo heshiis cusub, laakiin Barca ayaa la aaminsan yahay inay ka fiirsaneyso inuu isaga dhaqaaqo iyo inkale.

United ayaa ku adkeysaneysa xaaladeeda, lakiin wararka kasoo baxaya Italy ayaa sheegaya in Rakitic uu door bidi lahaa inuu u ciyaaro Turin xagaagan.

Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in Rakitic uu qandaraaska u saxiixay kooxda heysata horyaalnimada Serie A, waxaana uu ogolaaday inuu ku biiro kooxda.

Rakitic ayaa laga yaabaa inuu hoos u dhigo amarka xayeysiinta ee Barca xilli ciyaareedka soo socda iyadoo Frenkie de Jong uu ka imaanayo Ajax.


PSG ayaa isha ku heysay saxiixa Rakitic xagaagii lasoo dhaafay, laakiin inkastoo uu diiday inuu bedel ku yimaado, ma uusan soo bandhigin heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Barca.

Madaxweynaha Josep Maria Bartomeu ayaa wax yar sameeyay si uu u xaqiijiyo ciyaaryahanka inuu sii joogi doono Nou Camp xilli ciyaareedka soo socda, markii la weydiiyay mustaqbalkiisa.

“Si kastaba ha ahaatee waa inaan hubinaa inaan heysano isku dheelitirka saxda ah ee mushaharka, waxaana arki doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka waxa dhaca”.

Warar soo baxay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa soo jeediyay in Barca ay u ogolaan doonto in ka badan 11 ciyaaryahan ay ka dirri doonaan oo ay ku jiraan Philippe Coutinho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here