CHELSEA OO KAALINTA 3AAD SOO GASHAY IYO HAZARD OO KA WAXDARO DHIGAY KULANKII WESTHAM

0
45
LONDON, ENGLAND - APRIL 08: Eden Hazard of Chelsea in action during the Premier League match between Chelsea FC and West Ham United at Stamford Bridge on April 08, 2019 in London, United Kingdom. (Photo by Mike Hewitt/Getty Images)

Chelsea ayaa soo gashay kaalinta 3aad ee horyaalka Premier League ka dib markii ay 2-0 ku garaacday West Ham United garoonka Stamford Bridge.

Eden Hazard ayaa dhaliyay labadii gool ee ciyaarta, madaama kooxda Maurizio Sarri ay seddex guul gaartay horyaalka Premier League.

Blues ayaa guul weyn ka gaartay kadib guuldaradii Arsenal ee ka soo gaartay Everton si ay kor ugu qaado rajadooda ay ugu dhameysan karto afarta kooxood ee ugu sareysa.

Hazard ayaa goolka hore dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana uu xusuusiyay taageerayaasha Chelsea inay awood u leeyihiin inay guulaystaan kulan walbo oo muhiima.

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid, kaasoo lagu soo waramayo inuu diyaar u yahay inuu u soo bandhigo qandaraas lix sano ah oo uu ku qaadanayo 350 kun ginni isbuucii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here