Madaxweynaha fc porto oo xaqiijiyey iker casillas inuu ka fadhiistay kubadaa cagta maxay tahay sababta !!!

0
89

Sida laga soo xigtay wargeyska reer Portugal ee O Jogo, madaxweynaha Porto ayaa xaqiijiyay Casillas inuu ka fariistay kubada cagta.

Madaxa Porto ee Jorge Nuno Pinto da Costa ayaa sheegay in Casillas uu ciyaaraha ka fariisan doono, lakiin waxa uu sii joogi doonaa shaqada kooxda Porto.

Casillas ayaa 31 kulan oo horyaalka ah u saftay kooxda FC Porto xilli ciyaareedkan. Waxa uu qandaraas cusub u saxiixay kooxda reer Portugal oo socon doona ilaa bisha Juun 2020, isagoo sannadka labaad inuu ciyaaro doonanyey .

Dhakhtarka kooxda Porto Nelson Pulga ayaa sheegay in waqtiga uu rajeynayo Casillas inuu dib u soo kabsado, lakiin waxa uu sheegay in xilli hore ay tahay in qiimeyn lagu sameeyo hadii goolhayaha halyeeyga ah uu ku soo laaban doono.

Casillas ayaa ku biiray FC Porto xagaaga 2015 isagoo si xor ah ugu biiray kooxda Real Madrid 16 sano ka dib uu la joogay kooxda reer spain.