RASMI : REAL MADRID OO DHAMEYSTIRTAY SAXIIXA CIYAARYAHANKA CHELSEA EE EDEN HAZARD !!!

 

“Real Madrid iyo Chelsea FC ayaa ku heshiiyay saxiixa Eden Hazard,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay saareen labadda koox “Ciyaaryahanka ayaa ku biiray kooxda real.madrid wuxuuna kooxda lasii joogi doonaa 5ta sano ee soo socota, ilaa 30ka June 2024. Eden Hazard ayaa loo soo bandhigi doonaa taageerayaasha Real Madrid 13ka bisha June garoonka Estadio Santiago Bernabeu, ka dib markii uu tijaabada caafimaadka u maray kooxda.”

Warar badan oo ka soo baxaya saxiixa ciyaar yahankaan ayaa soo wariyay in heshiiska qiimihiisa inuu yahay € 146m oo dhiganta(£ 130m).

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgian waa saxiixii seddexaad ee Madrid xagaagan ka dib markii daafaca FC Porto Eder Militao iyo weeraryahanka Eintracht Frankfurt Luka Jovic ay kooxda lasoo wareegtay.

Hazard ayaa todobo sano oo guulo ah ku
qaatay Stamford Bridge, isagoo ku guuleystay Premier League labo jeer, hal FA Cup iyo labo Europa League, tan iyo 2012 asagoo ka yimid Lille.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here