REAL MADRID OO DOONAYSO HISHIIS ISDHAAFSI AH CIYAAR YAHANADDA POGBA IYO BALE !!!

 

Real Madrid ayaa dooneysa Paul Pogba inay ku xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda real madrid ayaana doonayso inay ku badashaan Gareth Bale heshiis isdhaafsi ah kooxda Manchester United.

Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu xiddiga khadka dhexe ee weerarka uga ciyaara kooxda Manchester United Pogba uu qaato.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Pogba ayaa lagu qiimeyn doona ku dhowaad 130 milyan ginni hadii uu doonayo inuu ka tago Old Trafford.

Laakiin Bale ayaa loo isticmaali karaa qeyb ka mid ah heshiiskan hadii heshiis la gaaro seddexda sano ee soo hartay qandaraaskiisa oo ku kacaayo £ 600,000-toddobaadkii ui qaato.

Zidane ayaa hore ula soo saxiixday weeraryahanka Luka Jovic lacag dhan £ 58m, sidoo kale waxa uu daawaday Christian Eriksen oo ka tirsan Totenham.

Bale waxa uu ku soo laaban doonaa garoomada sabtida kulanka Wales iyo Croatia ka hor Euro 2020 isreebreebka ee ay iska hor imaanayaan ciyaar yahanka ay isku kooxda yihiin ee Luka Modric.

Bale ayaa horey uga soo ciyaaray horyaalka EPL wuxuuna kusoo bandhigay tayadiisa waana ciyaar yahan khibrad u leh horyaalka , sidoo kale kooxda ayaa ka faaiidaysan karto tayadda ciyaar yahanka.
Inkastoo ole gunner solskjaer uu doonaayo inuu ceshto laacibka reer france ee pogba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here