ANTONE GREIZMANN ” WAAN OGAHAY KOOXDA AAN KU BIIRI LAHAA XAGAAGAN ” WAA KOOXDEE KOXDAAS !!!

 

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa qarka u saaran inuu ka tago Los Rojiblancos xagaagaan, waxaana uu shaaca ka qaaday inuu hore u ogaa halka uu ku biirayo.

Xiddiga reer France ayaa la rajeynayaa inuu u dhaqaaqo kooxdiisa xigta 1da July, xidigaan ayaa lagu burburin karaa heshiiskiisa lacag gaarayso ilaa 120 milyan euro.

“Waan ogahay halka aan ku ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda,” ayuu yiri xiddiga reer Faransa oo wareysi la yeelatay Télematin, ka dib markii uu soo bandhigay fekerkiisa, “Ma dhihi karo waxay noqon doontaa Miami.”

Kooxo dhowr ah ayaa xiiseynaya saxiixa ciyaaryahanka, sida Barcelona iyo Paris Saint-Germain.

Waxaana lasoo sheegaya inay tahay kooxda barca kooxda uu doonayo inuu ku biiro antone greizmann.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here