KYLIAN MBAPPE OO DOONAAYO INUU KA TAGO KOOXDIISA PSG MAXAY TAHAY SABABTA ? (WARBIXIN)…

0
45
Kylian Mbappe of PSG during the Ligue 1 match between Saint Etienne and Paris Saint Germain at Stade Geoffroy-Guichard on February 17, 2019 in Saint-Etienne, France. (Photo by Dave Winter/Icon Sport via Getty Images)

 

Kylian Mbappe ayaa doonaya inuu ka tago PSG islamarkaana uu ku biiro Real Madrid. Taasi waa waxa ABC maanta ay qorayso.

Mbappe aabihiis ayaa ku lug leh suurtagalnimada inuu rajeynayo inuu arko wiilkiisa oo u dhaqaaqayo horyaalka La Liga xagaagan.

Sababta ka dambaysa rabitaankani waa inuu sabab u yahay Mbappe uusana dareemeynin qiimaha lacageed ee PSG. Haatan waxa uu ku qaataa € 13m xilli ciyaareedkii, halka mushaharka Neymar uu yahay seddex laabka ciyaar yahankaan wuxuuna qaataa aduun lacageed gaarayo
€ 36m.

Neymar ayaa weli loo arkaa inuu yahay midka ugu muhiimsan ee mashruuca kooxda laakiin xaqiiqda Mbappe ayaa ah xiddiga ugu muhiimsan kooxda. Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa dhaawacyo soo gaaray labadii xilli ciyaareed ee uu joogay kooxda, islamarkaana maqnaanshihiisa, Mbappe ayaa hogaaminayay kooxda.
Hadda wuxuu doonayaa heshiis quseeya saameynta uu ku leeyahay guulaha kooxda.

Arrinta kale oo ka careysiisay Mbappe waa xaqiiqda ah inaasan loo ogoleyn inuu rigoore qaato amaba rigoora gamaha kooxda uu noqdo, xitaa asagoo ku jiray tartanka Kabta Dahabka ee uu ka qaaday Lionel Messi.

Mbappe aabihiis ayaa ah qofka masuulka ka ah helitaanka xal kaas oo u shaqeeya dhammaan dhinacyada. PSG ayaa diyaar u ah inay aqbasho heshiis hadii ay helayso aduun lacageed gaarayo € 230m.
Madrid dhankeeda waxay diyaar u yihiin inay ku qaataan qiimahaas.

Florentino Perez ayaan sameyn doonin ilaa uu ogaado PSG inay diyaar u tahay wadahadal.
Ma doonayo inuu cadaadis saaro xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Nasser Al-Khelaifi, laakiin waa heshiis uu doonayo inuu ku xoojiyo line-ka kooxda.
Saxiixa Mbappe ma aha oo keliya mid Zidane uu dalbanayo laakiin sidoo kale wuxuu gacan ka geysanayaa inay keenaan heshiisyo dhaxal gal ah oo ku habboon shaqada dib u dhiska ee Santiago Bernabeu.