ARTHUR MELO OO KA HADLAY DHAAWACA KASOO GAARAY COPA AMERICA (MUXUU YIRI)?

 

Dhaawaca Arthur Melo ee soo gaaray kulankii ay la ciyaarayeen xulka Honduras waxa uu noqday mid cabsi ah.
maalmo ka hor bilowgii tartanka Copa America.

Baaritaankii ugu horeeyay ee caafimaad ayaa xaqiijiyay inuusan aheyn mid halis ah dhaawaciisa laacibkaan ayaana muhiim u ah khadka dhexe ee xulka Brazil , waxaana kooxda caafimaadka u sheegtay in uu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulanka ay laciyaarayaan xulka Bolivia.

Laakiin haddii aysan taasi ku filneyn taageerayaashiisa , Arthur qudhiisa ayaa kasoo hadlay dhaawaciisa iyo diyaar ahaanshiyaheesa si uu u xaqiijiyo.
Wuxuu tweet ku yiri “ha ooyina, waan fiicanahay” ciyaar yahanka ayaa taageerayaasha niyadda udhisay una cadeeyey inuu caafimaad qabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here