WAAKEE CIYAAR YAHANKA MAGACIISA AY KU QAYLINAYEEN TAAGEERAYAASHA REAL MADRID IN KOOXDA LA KEENO, KADIB BANDHIGII HAZARD!!!

0
52

 

Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa waxay xalay si diiran ugu soo dhaweeyeen lacibkooda cusub ee Eden Hazard garoonka Santiago Bernabeu.

Ku dhawaad qiyaastii 40,000 taageerayaal ee kooxda Real Madrid ah ayaa soo xaadiray garoonka Santiago Bernabeu si ay kaliya u soo dhaweeyaan laacibkooda reer Belgian ee Hazard.

Saxafiga lagu magacaabo Sergio Valentín oo ka howlgala shabakada “Libertad digital” ayaa sheegay in Jamaahiirta Real Madrid ay si xoogan ugu qeylinayeen inta ay ku sugnaayeen garoonka Santiago Bernabeu magaca weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé.

Image result for Mpembe To Real Madrid

Sergio Valentín  ayaa war uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuu ku sheegay:

“Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa haatan ku qeylinaya magaca Kylian Mbappé, waxayna dhahayaan, waan jecelnahay Mbappé”.

Yeelkadeeda, magaca Kylian Mbappé ayaa si xoogan lala xiriirinayay dhawaantan inuu ku biirayo kooxda Real Madrid inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.