WARGAYSKA SKY SPORTS OO SHEEGAY JUVENTUS INAY HESHIIS LA GAARATAY SARI & WAQTIGA RASMIGA AH !!!

0
54

 

Shabakada caanka ah ee “Sky Sports” ayaa xaqiijisay in Kooxda Juventus ay heshiis kama dambeys ah ka gaartay saxiixa Maurizio Sarri si uu u noqdo badalka Massimiliano Allegri.

Tababaraha Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa lala xiriirinayay inuu ku biirayo kJuventus, gaar ahaan kaddib markii uu kooxda ka tagay Massimiliano Allegri dhamaadkii xilli ciyaareedkan.

Shabakada “Sky Sports” ayaa sheegtay in Juventus ay kala heshiisay kooxda Chelsea in Maurizio Sarri  uu u dhaqaaqo Bianconeri.

Shabakada ayaa intaas ku sii dartay in ku biirista Maurizio Sarri ee kooxda Juventus si rasmi ah loogu dhawaaqi doono caawa oo jimco ah, iyadoo Chelsea heli doonto qiimo dhan 5 milyan ginni si ay u ogolaadaan in macalinka reer Talyaani uu u wareego Juve.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in heshiiska Maurizio Sarri ee kooxda Juventus uu gaarayo mudo dhan 3 xili ciyaareed ilaa iyo 2022-ka.

Halyeeygii hore ee kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa laga yaabaa inuu noqdo tababaraha cusub ee Blues kaddib bixitaanka Maurizio Sarri.