Maanta oo kale maxaa ka dhacay kubbadda cagta.

1- Maanta oo kale sanaddii 2008 xiddigii hore kooxda man united ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 2-gool asigoona markii ugu horreesay xirtay calaamadda kabtanka kooxda Red Devills wuxuuna dhaafay rikoorka George Best oo ahaa xiddiga goolasha ugu badan dhaliyo hal xili ciyaareed

waxaana kulankaaas ka maqnaa kabtanada kala ah Gary Neville, Ryan Giggs, iyo Rio Ferdinand sidaa darteed Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 42-gool wadaarta guud asagoo ka dambeeyay 4-gool oo kaliya xiddigii taariikhda united ugu goolasha badnaa hal ciyaareed kaas oo dhaliyay 46-gool Denis Law’s 1963/1964.

2- Maanta oo kale 1976- waxaa dhashay daafaca ku guuleestay afarta horiyaal Seire A ee Nesta.

Nesta ayaa ka bilaaway xirfadiisa ciyaareed Lazio asagoo kaga soo biiray akadeemiyada koxda dhalin yarada waxayna isku dayeen waqtigaas inay ka dhigaan weerariyahan iyo qad dhexe kahor intuusan noqon daafac dhexe sanadii 1993 ayuu saxiixay heshiic caalami ah wuxuuna noqday ciyaariyahan dahmeestiran bilaawgii 1995-1996 wuxuuna xiligaas u saftay kooxda 28-kulan.

1997-kii wuxuu noqday kabtanka Lazio kuna hogaamiyay kooxda koobka Coppa Italia.

3-Maanta oo kale waxaa dhashay daafaca dambeedka midig kaga cayaara kooxda arsenal ee Hector Bellerin.

Bellerin ayaa xirfadiisa ka billaway asigoo ah weerarka garabka oo uu ahaa Barcelona
aad iyo aad ayuuna u guuleestay qaab ciyaareedkii wacnaa uu ku soo bandhigay kooxda Barca kadib ayuu ku biiray sanaddii 2011-kii kooxda Arsenal

4- Maanta oo kale 1981 waxaa dunida ku soo biiray oo dhashay xiddigii hore kooxaha Arsenal Liverpool iyo Man City ee Kolo Toure

Toure ayaa u cayaaray qaab daafac ah Arsenal City Liverpool Celtic iyo xulkiisa Ivory Coast asigoo noqday macalinka kooxda leicester sidoo kalana xubin ka ahaa shaqaaalaha caawinta xulka Ivory.

Toure ayaa u dhaqaaqay Arsenal 2002 markaas oo u saftay 326-kulan wuxuuna kamid ahaa dadkii ku qaaday horiyaalka Unbeaten ka 2003/2004 Sido kalana 2009 wuxuu u dhaqaaqay man city sanad kadib
walaakiisa ka yaraa ayaa ku soo biiray naadiga city yaya toure ayaana ka caawiyay inay ku guuleestaan horiyaalka muddo laga joogay 44-sano

Sidoo kale 2013-kii Toure ayaa u dhaqaaqay liverpool.

Kolo toure waa mid kamid ah 8- ciyaariyahan kuwaas oo ku guuleestay Premiere League waliba kula guuleestau laba koox oo kala ah Arsenal Iyo Man City

Waxaa Qoray Abdizalaan Mohamed Iimaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here