taariikhda laacibkii hore ee man utd iyo everton weyn rooney.

taariikhda laacibkii hore ee Manchester United iyo xulka qaranka England Wayne Rooney ayaan todobaadkan. kusoo qaadoona.

waxaa uu dhashay markay taariikhdu ahayd 24 October sanadii 1985,waxaana uu ku dhashay Croxteth, Liverpool, oo ka tirsan gobolka Merseyside ee ku taala waqooyi galbeed England. Rooney waxaa uu ahaa cunigii kowaad ee ay dhalaan labada waalid ee Irish-ka ah Thomas Wayne iyo Jeanette Marie,waxaana uu ka weynaa labo wiil oo ay walaala yihiin oo lagu kala magacaabo Graeme iyo John Rooney,

waxaana uu waalidkiisa iyo walaalihiisab kula soo qaatay koriinkiisii caruurnimo magaalada Croxteth oo uu wax barashadiisii iskuulka ka dhigtay magaladaasi,waxaana iskuulkii ay isaga iyo walaalihiis wax kusoo barteen lagu magacaabi jiray De La Salle School.

rooney iyo sida uu ku bilaaway kubada cagta.

Wayne Mark Rooney waxaa uu waayihiisii ciyaaraha kasoo bilaabay kooxda Everton oo uu inta aanu ku biirin taageero u ahaa,iyadoona uu ciyaarihiisii kaga bilaabay dhalinta tobon jirka ah ee kooxdaa Everton,waxaana dadkii magaca ku lahaa soo shaac saaridiisa kamid ahaa Duncan Ferguson oo ahaa laacib khadka dhexe oo u ciyaari jiray kooxaha Everton iyo Newscastle hadan ku nool jasiirada Majorka ee wadanka Spain. Weyn Roony waxaa uu kadib iskuulkiisii magaalada Croxteth ee Liverpool uu iska qoray iskuulka naadiga tababarka ciyaaraha ee Everton oo uu tobon sano jirkiisii ka bilaabay in uu ka dheelo,iyadoona wakhti kayar kadib uu bilaabay in uu ka dheelo koobka dhalinyarada FA-Cup-ka ee FA Youth Cup. Rooney waxaa uu inta uu 17-ka gaarayay uu ahaa mid kusoo koro kooxda dhalinyarad ee Everton,iyadoona markii uu 17 sano jirsaday uu bilaabay in uu ka dheelo waaweynka kooxda Everto,iyadoona isla wakhtigaasi uu heshiiskii kowaad ee uu lacag kula saxiixanayo kooxda uu la galay. Weyne Rooney waxaa uu heshiiskiisii ugu horeeyay ee uu lacag kula galo Everton ay ahayd iyada oo mushahar ahaan loogu qoray asbuucii lacag 80 Euro ah asbuucii,iyadoona loo ogolaaday in uu lacagtaasi qaato isaga oo waalidiintiis oo markaa madax ahaa uu la noolaado. Weyn Rooney waxaa uu 19 October 2002, 5 maalin ka hor maalintii dhalashadiisa uu noqday laacibkii ugu da da yaraa ee Premier League oo jabiyay Rikor horay ay koobkaasi ay u jabiyeen James Milner iyo James Vaughan,waxaana ay isla sanadaasi ay BBC Sports u aqoon satay in uu wakhtigaasi noqday laacibkii ugu da da yaraa ee Premier League oo 33 kulan oo horyaalkaasi kamid ah dhaliyay 6 Goals. Weyn Rooney waxaa uu kadib guusha ciyaareed ee uu Premier League wakhigaasi kasoo hoyay ay u noqotay mid dhiiri galisa,iyadoona uu shacab fara badan oo taageera ah uu ku helay Everton wakhtigaasi. Rooney waxaa uu xili ciyaareedkiisii 2003 dhalilaalay awooda ay Everton u leedahay in ay ka cityaarto koobka Chambion-ka ee qaramada Yurub oo uu aad u xiisanayay wakhtigaasi. Sanadii 2003 dhexdeeda waxaa uu Rooney heshiisyo cusub la galay Everton,iyadoona wakiilkii Rooney uu ku qanci waayay heshiika lacageed ee ay Everton usoo bandhigtay Weyn,waxaana lacagtaasi oo 12,000 Euro asbuucii ahayd ay keentay in uu wakiilkiisii dhinaca heshiisayada uu u jeensado kooxaha Manchester United iyo Newcastle Rooney waxaa isaga oo horay uga caajisay kaalinta ay Everton uga jirtay Horyaalka ayuu sheegay in aanu diyaar u ahayn sii joogitaanka kooxdaasi waxaana qiimihii lacageed ee ay Everton xiligaasi usoo bandhigtay uu laba jibaaray isaga oo dhinaca kale heshiisyo ugala jiray kooxaha Newcastle iyo Manchester United. Kooxda Everton oo ay xiligaasi deymo fara badan iyo guul darooyin isadaba joog ah ay soo wajahday ayaa waxaa uu weeraryahanka reer England Weyn Roony uu go aan saday in uu isaga tago kooxda Everton isaga oo jira 18 sano. Weyn Rooney waxaa 1 September sanadii 2006 dambiyo kusoo oogay tababarihii kooxda Everton David Moyes taas oo markii dambe ay Roonyey Maxkamad ku xukuntay in uu bixiyo lacag kor u dhaafayso 500,000 oo lacagta Euro-ga ah. Weyn Rooney waxaa uu kusoo biiray kooxda Manchester United xili ciyaareedkii 2004 ilaa 2005,waxaana uu xiligaasi Man united ugu soo wareegay lacag gaaraysa 25.6 Million oo lacagta Euro-ga ah, Waxaana Rooney wixii ka dabeeyay kusoo biiritaankiisii kooxda uu haatan ku sugan yahay ee Man united uu la qayb saday kooxdiisa 3 koob oo Premier League ah,2 League Cup-ka ama loo yaqaan Carling Cup-ka iyo 1 Champion ah oo sanadii 2007 ilaa 2008 ay kooxda Man united ay ka qaaday kooxda ay isku wadanka yihiin ee Chelsea ciyaartii Final-ka Championka ee ka dhacay garoonka Luzhniki Stadium oo ku yaal xarunta wadanka Ruush-ka ee Moscow.

rooney iyo rikoorada uu heysto.

1- weyn marka roney aya ah laacibka ugu goalasha badan taariikhda kooxda man utd isago rikoorkaas kala waragey sir boby cherlaton. waxa uuna kooxdiisa u dhaliyay. 183 goal

2- weyn rooney aya ah laaciibka ugu goalsha badan. xulka england. waxa uuna dhaliyay. 53 goal.

3- rooney aya heysta rikoorka ah xidigii ugu da,da yara ee ufa champions league sadaxley kadhaliya wuxuna kadhiyay kooxda Fenerbahçe.

4- rooney aya ah xidiga ugu goalsha badan man chester derby waxa uuna kadhaliyay 11 goal.

rooney aya hada katirsan kooxda. d.c. united. wuxuna saftay 24 kulan isago dhaliyay 15 goal

dhamaad.

tabiyaha.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here