UGU DAMBEEN WAXAA LA OGAADAY DE LIGT HALKUU KU BIIRI DOONO XILLI CIYAAREEDKA SOO SOCDA (WAA HALKEE)?

 

Ilo wareedyo kala duwan oo ka kala imaanaya Italy iyo Spain ayaa shaaca ka qaaday in Matthijs De Ligt uu ku biirayo Juventus.

Gianluca di Marzio ayaa sheegtay in mudnaanta ay leedahay De Lopez uu yahay Juventus iyo 24ka saacadood ee soo socda ayaa noqon kara go’aan ugu dambayso.

Weliba waxaa jira faahfaahin dheeraad ah oo ay u baahan yihiin si ay u noqdaan kooxda rasmigaa ee hesho adeega ciyaar yahanka.
Juve waxay u baahan tahay inay heshiis la gaarto Raiola oo qh wakiilka ciyaar yahanka midaasoo ku aadan heshiiska ciyaaryahanka, si looga hortago in kooxaha kale ay saxiixaan kula loolamaan.

Tuttosport ayaa sidoo kale xaqiijineysa inay heshiis gaareen Juventus iyo De Ligt oo ku aadan heshiis shaqsi ahaaneed iyadoo Bianconeri ay dooneyso inay daafacaan inay kula soo wareegto saacadaha soo socda.

Warbaahinta ku taalo gobolka catalonia ee Catalunya Radio ayaa sheegtay in De Ligt uu ka ciyaari doono Juventus xilli ciyaareedka soo aadan 2019/2020.
Waxa uu go’aansaday inuu aqbalo dalabkii Juve ka dib markii uu diidey dalabyada Barcelona iyo PSG.

Mustaqbalka xiddiga reer Holland waa 95% Turin. Qandaraaskiisa Juve wuxuu noqon doonaa qandaraas lagu burburin karo qiimo weyn oo ay adag tahay in laga hor istaago qaadashadda ciyaar yahankaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here