ARSENAL IYO LIECESTER CITY OO KU DAGAALAMAYA CIYAARYAHAN KA CIYAARA ITALIAN SEREI A

0
45

 

Xiddiga diirada u saaran Arsenal Dennis Praet ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda ay xafiiltamaan ee Leicester City.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sampdoria ayaa tijaabo u maray Arsenal, Gunners ayaana horeyba loola xiriirinayay ciyaaryahanka reer Belgium iyo saaxiibkiisa Joachim Andersen.

AC Milan iyo Valencia ayaa sidoo kale lala xiriirinayay ciyaaryahanka khadka dhexe, kaasoo saftay in ka badan 100 kulan oo uu u saftay Sampdoria tan iyo markii uu kaga soo biiray Anderlecht 2016.

Wakiilka Martin Riha ayaa ku tilmaamay “ciyaaryahan dhameystiran” .

Laakiin waxa ay u muuqataa mid hami leh Leicester ku raacsan tahay qiimeynta Riha, iyo Foxes ayaa isku diyaarineysa inay 25 milyan oo ginni ku dalbato 25 jirkaan, sida laga soo xigtay SkyItaly.

Riha ayaa sheegay : “Waxaa jira kooxo kale oo doonaya inay la saxiixdaan, gaar ahaan dibada talyaaniga, waxay horay u muujiyeen xiisahooda ku aadan ciyaaryahakeena.

Si kastaba ha ahaatee kooxa badan ayaa xiiseynaya ciyaaryahanka.

Praet ayaa 37 kulan u saftay kooxda Sampdoria xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana uu saxiixay seddex caawin.