NIGERIA OO ISKA XAADIRISAY WAREEGA AFAR DHAMAADKA IYO SOUTH AFRICA OO KA HARTAY AFCON!!!

0
31

 

Labo gool oo uu dhaliyay Samuel Chukwueze iyo William Troost-Ekong ayey ku guuleysatay Super Eagles xalay, halka Bongani Zungu uu dhaliyay goolkii qora ee Bafana Bafana.

Bafana Bafana ayaa ku guuldareysatay inay ugudubto wareega afar dhamaadka koobka qaramadda qaarada africa ee AFCON, Chukwueze ayaana ka dhaliyey goolka hore goolhayaha South Africa Ronwen Williams oo u dhawaa inuu goolka guusha u dhaliyo Nigeria.

Bongani Zungu ayaa hogaanka usoo celiyey , offside ayaana la dhahay balse Garsooraha ciyaarta Rédouane Jiyed ayaa markaa kadib fiiriyey Video Assistant Referee (VAR) waxaana goolka la siiyay Koonfur Afrika si uu 1-1 ayeyna noqotay ciyaarta.

Si kastaba ha noqotee, Bafana waxa ay ka lumisay inay xakameeyaan miisaanka ciyaarta, waxaana laga dhaliyey goolka labaad ee ciyaarta waxaana ka dhaliyey William Troost-Ekong ciyaarta ayaana noqotay Nigeria 2-1 South africa.

Nigeria ayaana ugudubtay wareega afar dhamaadka tartanka qaramada qaarada afrika ee AFCON.