WARARKII UGU DAMBEEYEY SUUQA : PSG OO ISKA SOO DIIDAY DALABYADDA REAL MADRID IYO BARCELONA (MAXAY TAHAY SABABTA)?

 

Barcelona iyo Real Madrid ayaa dalabyo waafi ah ka gudbiyay weeraryahanka Paris St-Germain Neymar, sida uu sheegayo wariyaha BBC Radio 5 Live Guillem Balague.

Neymar kooxdiisii ​​hore ee Barcelona ayaa la rumeysan yahay inay ku doonayaan ciyaaryahanka aduun lacageed gaarayo  100m euro  oo udhiganto (£ 92.4m) oo lagu daray Philippe Coutinho.

Ivan Rakitic ayaa sidoo kale ka mid noqon karo hishiiska   hogaamiyaha 27 jirka reer Brazil ee Neymar Jr.

Real madrid ayaa dhankeeda diyaarisay ciyaaryahanadda kala ah Gareth Bale iyo James Rodriguez si ay hishiiska qeyb kaga noqdaan.

PSG ayaa weydiisatay Vinicius Junior laakiin Real madrid ayaana doonayn inay lumiyaan mustaqbalkaan ifaaya ee Brazil u dhashay.

Labada dalab midkoodna lama aqbalin, laakiin waxaa loo maleynayaa inay PSG door bideyso inay ka iibiso Real mdrid ciyaaryahanka.

Neymar ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka sanadkii 2017 markii PSG ay siisatay 222m (£ 205m) si uu naftiisa uga iibsado qandaraaskiisa Barcelona.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 34 gool oo horyaalka ah labo xilli ciyaareed uu u saftay kooxda heysata horyaalka Faransiiska, inkastoo uu hakiyay labadaas olole.

Jamaahiirta kooxda PSG ayaa qabtay boorar ay ku sheegayeen inuu Neymar “iska tago” axada madaama uu seegay kulankii furitaanka Ligue 1 ee ay la ciyaareen Nimes ka dib markii agaasime isboorti Leonardo uu sheegay ciyaarta in wadahadalada ku saabsan bixitaanka Brazilian kaan inay ka horumareen sidii hore.

 

kooxdee ayuu ku biiri karaa Neymar Jr adiga ahaan maxay kula tahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here