HORDHACA KULANKA CELTA VIGO VS REAL MADRID IYO XAQIIQOOYINKA KULANKA KAHOR

 

Real Madrid oo uu hoggaaminayo tababare Zinadine Zidane ayaa maanta rajaynaysa inay guul ku furato xilli ciyaareedka 2019-20 marka ay u safraan Balaidos si ay ula soo ciyaaraan kooxda Celta Vigo.

Madrid ayaa xilli ciyaareedkii hore kusoo dhammaysatay booska saddexaad iyadoo ay ceeb ku ahayd inay 19 dhibcood ka hoosaysay kooxdii horyaalka qaaday ee Barcelona halka Celta Vigo ay dirqi ku badbaaday isla markaana ay booska 17-aad kaga dhammaysatay horyaalka.

Indhaha caalamka oo dhan ayaa maanta ku jeeda kulankaas iyadoo la qiimaynayo qaabka ay Los Blancos iskaga ilaawi karaan xilli ciyaareed xun iyo waliba kulamadii ka horreeyay xilli ciyaareedkan bilawga ah oo kasii xumaa isla markaana ay guul ugu furan karaan horyaalka.

Waxa layaab noqon doonta haddii uu Zidane awoodi doono inuu markaliya koox si dhab ah u tartanta ka dhigo kooxdiisa kaddib 12 guuldarro oo ay xilli ciyaareedkii hore lasoo kulantay walow ay suuqa lacago aad u badan la gashay.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

Ugu horreynba waxa qalbi jab ku ah taageerayasha Madrid inuu ka maqnaan doono Eden Hazard oo ah rajada ugu weyn ee u iftiimaysa kooxdooda xilli ciyaareedka cusub iyadoo la filayo inuu ku dhawaad bil maqnaado.

Gareth Bale oo ay isku dayeen madaxda Real inay diraan balse caqabad ku noqday ayaa wali kooxda ku sugan balse waxa adkaan doonta in lagu arko kulanka maanta waxaana sidoo kale dhaawac mudo dheer ah qaba Marco Asensio.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Celta Vigo : Ruben; Kevin, Araujo, Aidoo, Olaza; Suarez, Beltran, Lobotka, Mendez; Fernandez, Aspas

Real Madrid : Courtois; Varane, Ramos, Militao; Odriozola, Modric, Casemiro, Kroos, Marcelo; Hazard, Benzema

Kulankan ayaa qabsoomi doona 6:00 fiidnimo ee wakhtiga geeska Afrika waxaana lagu balansan yahay gegida dhibaatada badan ee Balaidos

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here