HORDHACA KULANKA MANCHESTER CITY VS TOTTENHAM IYO XAQIIQOOYINKA KULANKA KAHOR

 

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa wajahaysa tijaabadii ugu horreysay ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, marka ay caawa garoonkeeda Etihad ku soo dhoweynayso Tottenham.

Macallin Pep Guardiola kooxdiisa ayaa difaacashada horyaalka ka bilowday kulankeedii ugu horreeyey oo ay 5-0 kaga soo adkaadeen naadiga West Ham oo ay booqdeen, waxaana ay caawa wajahayaan kooxda ka reebtay Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Taariikhda: Sabti, 17 Agoosto 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 7:30 pm fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Michael Oliver (England)

Garoonka: Etihad Stadium

Wararka Kooxaha:-

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester City, Fernandinho ayaa ciyaari kara kulankiisii ugu horreeyey tan iyo xagaagan Copa America, halka Sergio Aguero dib loogu wici karo.

Benjamin Mendy ayaa sii wadanaya soo kabashadiisa kaddib markii qalliin looga sameeyey jilibka, halka Leroy Sane uu muddo dheer maqnaanayo.

Tottenham ayaa weli dhaawacyo ku weynaysay labadeeda ciyaaryahan ee Dele Alli iyo Ryan Sessegnon, halka ay ka ganaaxan yihiin Son Heung-min iyo Juan Foyth.

Ben Davies ayaa ku dhow inuu soo kabsado, Giovani Lo Celso ayaa laga yaabaa inuu kulankan ku lug yeesho kadib markii uu todobaadkan ka qeyb qaatay tababarka buux ee kooxda.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Manchester City ayaa guul gaartay afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka Premier League oo ay wajahday Tottenham Hotspur – weligoodna guul ma gaarin shan kulan oo isku xigta oo ay wajaheen Spurs.

>- Kulankan dhexmaraya caawa kooxda Manchester City iyo Tottenham Hotspur waa koodii 141-aad.

>- Spurs ayaa qaadatay kaliya afar dhibcood sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay booqatay garoonka Etihad, halkaasoo ay ku wajaheen kooxda Manchester City, waxaana ay ka soo heleen 1 guul 1 barbaro iyo 7 guuldarro.

>- Manchester City ayaan guuldarro la kulmin kulankeeda ugu horreeyey horyaalka ee garoonkeeda tan iyo xilli ciyaareedkii 1989-90 oo ay wajaheen Southampton , waxaana ay guuldarro la’aan yihiin 24 kulan tan iyo markaas, iyagoo haysta 16 guul iyo 8 barbaro.

Spurs ayaa guuldarro la kulantay lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Premier League ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkii hore ee 2018-19, weligeeda guuldarro lama kulamin todoba kulan oo isku xiga iyagoo banaanka ku dheeleysa tan iyo bishii December sanadkii 2000 markaasoo uu kooxda watay macallin George Graham.

>- Markii laga dhaliyay wax ka badan hal gool ciyaar Premier League ah, Manchester City lagama badinin 83 kulan oo Premier League ah tan iyo guuldarradii 0-1 ee ka soo gaartay Liverpool bishii December 2016-kii, si kastaba ha noqotee, markii laga dhaliyay wax ka badan hal gool, Citizens ayaa laga badiyay lixdii kulan ee ugu dambeysay. Kulamada Horyaalka Premier League.

>- Weeraryahanka Man City ee Sergio Aguero ayaa garoonka Etihad ku dhaliyey 96 gool oo Premier League, hal gool oo uu ku darsado ayaa ka mid dhigi doona Alan Shearer oo hal garoonka goolasha ugu badan ee Premier League ku dhaliyey waana garoonka St James’ Park.

>- Raheem Sterling kaasoo saddexleey saxiixay kulankii ugu horreeyey xilli ciyaareedkan horyaalka Premier league ayaa gacan ka geystay lix gool lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo kooxdiisa Manchester City ay wajahday Spurs tartammada oo dhan, waxa uu dhaliyey 5 gool isagoo caawiye ka ahaa hal gool kale oo ay ku jiraan inuu shabaqa soo taabtay afar ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonka Etihad ku wajaheen iyaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here