HORDHACA KULANKA CHELSEA VS LEICESTER CITY & WAX WALBO AAD UGA BAAHAN TAHAY XAQIIQOOYINKA KULANKA KAHOR

 

Wararka labadda koox

Chelsea ayaa qiimeyn ku sameyn doonta daafaca Andreas Christensen, kaasoo dhaawac uu soo gaaray intii lagu gudajiray kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Liverpool ee Super Cup ka hor kulanka axada ee ay la ciyaarayaan Leicester.

Si kastaba, Antonio Rudiger iyo Willian ayaa labadoodaba soo laaban kara ka dib dhaawac jilibka ah laakiin Callum Hudson-Odoi ayaa weli ku maqan dhaawac Achilles halka Reece James uu weli ku maqan yahay dhaawac canqawga ah.

Tababaraha kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa sheegay inuu aad uga careysan yahay aflagaado cunsurinimo ah oo loola dan lahaa weeraryahan Tammy Abraham ka dib guuldaradii UEFA Super Cup ee ka soo gaartay Liverpool.

Daafaca Leicester Filip Benkovic ayaa weli dhaawac canqowga ah ku maqan laakiin kooxda Brendan Rodgers ayaa u safreysa Stamford Bridge iyadoo aan wax dhaawac cusub ah laga qabin.

Xiddiga qadka dhexe Dennis Praet ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ​​ugu horeysay safto ka dib markii uu xagaagii uga soo dhaqaaqay Sampdoria.

Brendan Rodgers ayaa aaminsan in aqoonta Frank Lampard ee Chelsea inay ka dhigeyso mid ‘ku fiican’ kooxda, iyadoo Leicester ay isku diyaarineyso inay booqato Stamford Bridge kulanka Super Sunday.

Xogta kulanka :

Kulanka : Chelsea vs Leicester

Waqtiga labaasanaayo : Agoosto 18, 2019, 6:30 pm maqribnimo saacaddda geeska africa

Garoonka : stamford bridge

Garsooraha : Graham scott

Xaqiiqooyinka kulanka kahor :

➡️Guuldaradii 0-1 ee Chelsea ka soo gaartay Leicester xilli ciyaareedkii hore waxa ay aheyd kaliya midkoodii labaad oo ay ka horyimaadaan kooxda Foxes 13 kulan oo ay laciyaareen tartamada iyo markoodii ugu horeysay tan iyo Sebtember 2000.

➡️Leicester ayaa raadineysa inay badiso kulamada isku xiga ee horyaalka ee ay la ciyaarayaan Chelsea markii ugu horeysay tan iyo bishii Oktoobar 1961.

➡️Kaliya mid ka mid ah 86-tii darbood ee u dambeysay kulamadii Premier League ee u dhaxeeyay Chelsea iyo Leicester ayaa la gool loo beddelay – midka goolka loo beddelay waxaa dhaliyay Leicester ciyaaryahankeeda Jamie Vardy kulankii ay 1-0 kaga badiyeen bishii Diseembar 2018.

➡️Chelsea ayaa guuleysatay kulankoodii furitaanka horyaalka ee xilli ciyaareedkii 14 ka mid ah 16kii xilli ciyaareed ee u danbeysay (14guul 1barbaro 1guuldaro).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here