XULKA QARANKA PORTUGAL OO GUUL MUHIIM AH KA GAARAY DHIGIISA SERBIA & C.RONALDO OO SHABAQA GAARAY KULAN KA TIRSAN ISREEBREEBKA EURO 2020

 

Xulka heysta horyaalnimada Yurub  ee Portugal ayaa bilaabay ololahooda isreebreebka Euro 2020 iyagoo guul aad umuhiim ah ka gaartay dalka Serbia kulan ka dhacay Belgrade.

Portugal ayaa ku horaysay goolasha waxayna ka kala helleen William Carvalho iyo Goncalo Guedes ka hor inta uusan Nikola Milenkovic hal gool soo celin xulka serbia.

Laakiin goolal dheeri ah oo ay dhaliyeen Cristiano Ronaldo iyo Bernardo Silva ayaa xaqiijiyay in Portugal ay sedax dhibcood qaadatay inkastoo Aleksandar Mitrovic uu dhaliyay gool xilli  dambe imaaday.

Portugal ayaa haatan ku fadhisa shan dhibcood seddexdooda kulan ee ay ciyaareen  isreebreebka koobka Euro 2020.

Dhanka kale, Serbia ayaa afar dhibcood ka heshay afartii kulan isreebreebka ee ay ilaa haatan ciyaareen..

kulnka  qeybtii hore ee ciyaarta xulka portugal fursado muhiim ah ayay sameeyeen markii Carvalho uu shabaqa dhex dhigay ka dib qalad dhanka daafaca ah oo ay kala kulmeen goolhayaha reer Serbia Marko Dmitrovic iyo difaaca Nikola Milenkovic iyo Matija Nastasic ka dib karoos xoogan oo ka yimid Bruno Fernandes.

Guedes, oo dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta kama dambeysta aheed ee koobkay qaadeen portugal ee Nations League, ayaa goolka ​​labaad sii raaciyay markii uu ka booday Nikola Maksimovic oo uu kubad darbo sare ah taabtay ka dib qaab ciyaareed qurxoon oo ay ka heleen Silva, Ronaldo iyo Fernandes.

C.Ronaldo ayaa shabaqa gaaray ciyaarta markii ay maraysay 80daqiiqo oo ay kaliya ka harsan tahay 10daqiiqo iyo wixii lagu daro kubad uu ka caawiyey laacibka man city bernando silva kulanka ayaana noqday serbia 1-3 portugal.

Mitrovic wuxuu umuuqday inuu gool usoo celiyey daqiiqadii 85aad  ka dib markii uu helay baaskii Tadic laakiin Portugal ayaa mar kale dib u soo ceshatay kubad Silva oo cabiray geeska, kaasoo guushoodii ugu horeysay ee isreebreebka keentay.

Serbia, oo  soo galisay ciyaarta weeraryahanka Real Madrid Luka Jovic iyadoo sedex daqiiqo kaliya  ka hartay waqtiga rasmiga ah ee ciyaarta , serbia ayaa la ciyaari doonto kulankeeda xiga ee isreebreebka xulka Luxembourg Talaadada halka Portugal ay isla habeenkaas wajihi doonto Lithuania Vilnius.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here