Ciyaaryahanka Khadka Dhexe Kooxda Barcelona Arda Turan Oo Lagu Xukumay Xabsi Kadib Xabay Uu Ku Riday Isbitaal Dhaxdiisa

 

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Arda Turan ayaa lagu xukumay xabsi ganaax ah ku dhawaad ​​seddex sano kadib markii uu qori ku garaacay isbitaal kadib dagaal uu la galay nin heesaa ah.

Turan – oo hada amaah ugu maqan Istanbul Basaksehir – ayaa la dhacay Berkay Sahin sanadkii hore feer kaasoo sababay inuu sanka ka jabiyo heesaaga uu markale xabadda ku riday.

Kubadsameeyahan, oo 32 jir ah, ayaa markaa ka dib yimid isbitaalka oo ku toogtay dabaqa.

Waxaa lagu xukumay toogashada qoriga inuu sababay argagax, haysasho hub sharci darro ah iyo dhaawac ula kac ah.

Maxkamad ayaa ku xukuntay xukun xabsi ah laba sano iyo sideed bilood laakiin ma sii joogi doono xabsi ilaa uu dambi kale galo shanta sano ee soo socota.

Istanbul Basaksehir ayaa ku ganaaxday ciyaaryahanka khadka dhexe 2.5 milyan ginni Turkish ah taasoo udhiganta  (£ 350,000) dhacdadan uu sameeyey owgeed.

Wararka ayaa sheegaya in Berkay Sahin uu la joogi jiray xaaskiisa Ozlem Ada Sahin goob lagu caweeyo  oo ku taal magaalada Istanbul bishii Oktoobar ee la soo dhaafay markii dagaalku qarxay.

Ms Sahin ayaa u sheegtay wargayska Haberturk wakhtigaas in Turan ay u soo jeedisay hadalo la talin ah, ka dibna ay weerartay ninkeeda oo si weyn looga yaqaan dalka Turkiga Fannaanka ayaa markaa kadib loo qaaday isbitaal si qalliin looga sameeyo sankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here