JOSE MOURINHO OO SAADAALIYEY CIYAARYAHANKA REER PORTUGAL C.RONALDO WUXUU NOQON DOONO DA’DA 50 SANO JIR MARKII UU GAARO

 

Jose Mourinho ayaa saadaaliyay in Cristiano Ronaldo uu wali dhalin doono goolasha xitaa haddii uu gaaro da’da 50 sano jir  kadib rikoorkiisii ugu dambeeyay uu gaaray kasoo uu ku dhaliyey afar leyda goolasha loo yaqaano.

Ronaldo ayaa afar jeer shabaqa soo taabtay kulankii ay Portugal 5-1 kaga badiyeen Lithuania habeenkii talaadada si uu u jebiyo rikoorka Robbie Keane ee goolasha ugu badan ee isreebreebka European Championship.

Xiddiga kooxda Juventus  oo ka soo hoos ciyaaray Mourinho markii uu joogay Real Madrid – ayaa 94 gool u dhaliyay dalkiisa umana muuqato calaamado muujinaya inuu soo gaabiyey amaba uu istaaajin doona dhalinta goolasha iyo jabinta rikoooradda.

Mourinho ayaa ku amaanay abaalmarinta shanta jeer Balon d’Or ninka haysto inuu yahay “ifafaale” – wuxuuna saadaaliyay inuusan waligiis joojin doonin inuu goolal dhaliyo xitaa ka dib markii uu ciyaaraha ka fariisto isagoo u sheegay inuu noqon karo xiddig heer sare ah bandhigyada ciyaaraha ku lug leh halyeeyada inta uu xiran yahay  kabaha.

“Waxa uusan Cristiano iiga yaabin” ayuu Mourinho u sheegay telefishanka Portuguese-ka 11-aad.

La yaab iguma ahan maxaa yeelay waa nin daraasad ku sameeyay kiisaska hidde ahaan, iyo sidoo kale maskax ahaanba.

Waa nin ifafaale ah, qof uun ka fekeraya inuu guuleysto isla markaana sameeyo wax badan oo aad ufiican, Taasi waa sababta aanan ula yaabanahay waxa uu sameeyo oo dhan.

“Markuu 50 jirsado wuxuu joogi doonaa guriga FIFA-na waxay ku casuumi doontaa ciyaar halyeeyo ah.

Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in guusha Portgual sanadihii ugu dambeeyay ay sii hurineyso hamigiisa ah inuu sii wato kubbada cagta caalamiga ah ka dib bandhigiisii ugu dambeeyay ee cajiibka ahaa.

Isagoo hadlayay ka dib guushoodii Lithuania, taasoo calaamad u ahayd talaabo weyn oo loo qaaday isreebreebka Euro 2020, wuxuu yiri: “Waqti fiican ayaan heystaa, laakiin kooxduna si fiican ayey sameynayaan”.

Waan ku faraxsanahay oo waan ku raaxeysanayaa xilligan, maahan inaan dhaliyay goolasha, laakiin sababta ayaa ah heerka aan awoodnay inaan muujino sannadihii ugu dambeeyay.

Aniga waxay ila tahay inaan sii wado caawinta xulka qaranka “Waxa ugu adkaa waxa aan ku guuleysanay xulka Serbia, waana muhiim in aan halkaas ku sii wadno guusha.

Waxaan ku dhownahay, waxaan heysanaa labo kulan – mid gurigeenna ah iyo mid marti ah – waxaana qabaa haddii aan badino mid ka mid ah kulamadaas inay ku filan tahay. ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here