MADAXWEYNAHA KOOXDA REAL MADRID FLORENTINA PEREZ OO KA HADLAY SAXIIXA PAUL POGBA & ROBERT LEWANDOWSKI

 

Florentino Perez wuxuu qirtay saaxiibadiisa Real Madrid in ay kooxdu isku dayday inay la soo saxiixato Paul Pogba xagaagan suuqa kala iibsiga soo xirmay, sidii ay sidoo kale isku dayeen inay la soo wareegaan Robert Lewandowski sannadihii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Real Madrid ayaa sharraxay in kooxda iibinta labada kiisba ay si cad u diideen inay iibiyaan koooxahooda, taasoo howsha ka dhigtay mid aan macquul aheyn “Waxaa jira ciyaartoy aan la iibin,” ayuu yiri Florentino
Waxaan u tagnay Lewandowski sanado badan mana jirin wax dhacay oo hishiis ah maxaa yeelay ma jirto koox oo ay Bayern Munich ka iibinayaan isaga.

Taasna waxay ku dhacday Pogba, Marka ciyaartoy gaar ah la iibin karo, waanu u tagi karnaa iyaga ayuu yiri
Florentino wuxuu kaloo ka hadlay dhibaatooyinka ay kooxdu la kulantay xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna aqoonsaday in khaladaad la sameeyay ay jiraan.

Florentino wuxuu yiri: “Waxaan haysanay sagaal musharax oo Ballon d’Or ah iyo koox lagu qiimeeyay 1.2 bilyan euro
“Ciyaartoy muhiim ah ayaa la saxeexanay , ciyaaryahanadaasna [Eden] Hazard ayaa ka mid ah.”ayuu kusoo koobay madaxweynaha kooxda Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here