VAN DIJK IYO VIDIC OO KU TARTAMAY DAAFACA DHEXE EE UGU WANAAGSAN TAARIIKHDA HORYAALKA PREMIER LEAGUE WARGAYSKA SKY SPORTS

 

Vincent Kompany ayaa ku tilmaamay Virgil van Dijk inuu yahay daafaca dhexe ee ugu weyn taariikhda Premier League soo maray.

Daafacii hore ee Manchester City ayaa shaaca ka qaaday ka hor munaasabadiisa garoonka Etihad Stadium Arbacadii van dijk inuu yahay daafaca ugu wanaagsan taariikhda.

“Waxaan ku soo celin lahaa Virgil van Dijk, ma uusan joogin goobta ilaa iyo inta John terry, iyo Rio Ferdinand ay i hareerayeen muddo dheer laakiin astaamaha lagu muujiyey sanadihii ugu dambeeyay,” Kompany ayaa yiri sidaas .

Waxaa la muujiyey haddii uu joogi lahaa muddo dheer horyaalka  inuu noqon lahaa daafaca ugu wanaagsan taariikhda horyaalka ingiriiska.

“Liverpool kahor Van Dijk iyo wixii ka dambeeya waa xul aad u kala duwan. Midkood ayaan isaga siin doonaa.

Van Dijk ayaa muuqaal u ahaa tan iyo markii uu ku soo biiray Liverpool 2018 laakiin daafaca dhexe ee ugu fiican taariikhda Premier League ma nqon doonaa

Taageerayaasha ayaa u codeeya abaalmarinta ugu fiican daafaca dhexe ee ugu wanaagsan  taariikhda Premier League.
Sky Sports waxay sameysay codbixin taxane ah oo ay ku sameysay Twitterka si ay u aragto waxa ay taageerayaashu u maleynayaan.

Waxay ku guuleysteen tartan nooca ‘knockout’ ah halkaasoo taageerayaasheedu ay u codeeyeen inta u dhaxeysa labo daafac dhexe ilaa iyo inta laga looga dhawaaqayo guuleystaha.

ugu dambeyn waa looga guulaystay van dijk daafaca dhexe ee ugu wanaagsan taariikhda.

Finalka:

Virgil van Dijk : 45%

Nemanja Vidic : 55%

51,394 cod

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here