HORDHACA KULANKA LIVERPOOL VS NEWCASTLE UNITED WARARKA LABADDA KOOX & XAQIIQOOYINKA KULANKA KAHOR

 

Wararka labadda koox :

Laacibka qadka dhexe ee Liverpool Naby Keita ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawacii kubka eesoo gaaray  xilli isku diyaarinta ciyaareedka  waxaana laga fiirsanayaa inuu lug ku yeesho ciyaarta.

James Milner iyo Joe Gomez ayaa labaduba ku dadaalayo in dib loogu yeero laakiin goolhaye Alisson iyo Nathaniel Clyne ayaa wali maqan.

Sean Longstaff ayaa ka maqnaan doona kooxda Newcastle ka dib markii uu canqowga dhaawac ka gaaray xilliga tababarka kooxda.

Matt Ritchie, Allan Saint-Maximin, Andy Carroll, Dwight Gayle, DeAndre Yedlin iyo Florian Lejeune ayaa iyagana diyaar u ah tababare Steve Bruce inay saftaan kulanka ay kooxda liverpool wajahayaan.

kooxda Newcastle united Waxa ay ka badiyeen Tottenham kulankoodii ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen iyagoo uga mahadcelinaya qaab ciyaareedkooda daafaca oo adkaa kulankaas, balse  dadaal dheeri ah ayaa loo baahan doonaa sababtoo ah Anfield waa garoon ay Newcastle ku badisay kaliya labo jeer 46 kulan oo ay booqdeen tan iyo 1950.

Tababaraha kooxda Newcastle United Steve Bruce ayaa yidhi: “Waxaan u soconaa kooxda heysata horyaalnimada yurub, waana koox fiican sida aad waligaaba uga ciyaari doontid, marka waa inaan si fiican u difaacanaa goolkeena”.

“Had iyo jeer waxa ay aheyd kulan weyn oo aad dooneysid inaad halkaas aado oo aad wax ka qabato, Waa waxa aan ku jirno dadaalkeeda, Xuddunta kooxdu waxay isla joogtay dhowr sano waana koox runtii daacad ah oo run ah. ayuu yiri Steve Bruce

klopp ayaa yiri : “Markii aad taas heshay, waxaad awood u leedahay inaad wax qabato, Waxay aadeen Spurs waana guuleysteen wayna garaaceen Man City sanadkii hore, sidaas darteed iyaga ayaa ku jira meel fiican”.


Ogeysiiska kulanka :

kulanka : Liverpool vs Newcastle united

Waqtiga : 2:30 pm duhurnimo saacadda geeska afrika

Garoonka : Anfield stadium

Garsooraha : Andre Marriner


Xaqiiqooyinka ciyaarta kahor :

Newcastle ayaa laga badiyay 75 kulan oo horyaalka  oo ay ka horyimaadeen Liverpool, waana in ka badan kooxaha kale.
Liverpool ayaan laga badinin 23kii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkooda ku ciyaaraan (19guul, 4barbaro) waxayna  dhalisay goolal mid kasta oo ka mid ah kulamadaas.
Guushii ugu dambeysay ee ay Newcastle ka gaartay Anfield waxa ay aheyd 2-0 bishii Abril 1994.
Liverpool ayaa dhalisay 98 gool oo Premier League ah kulankaan.

Liverpool :

Waxay doonayaan inay noqdaan kooxdii afaraad ee Ingiriis ah ee guuleysata 14 kulan oo isku xigta horyaalka.
Kooxda Jurgen Klopp ayaan looga badin 42 kulan oo horyaalka ah oo ay ku ciyaareen  garoonka Anfield lagasoo bilaabo  taariikhihii Abriil 2017 (32guul, 10barbaro).
Reds ayaa barbareyn karta rikoorkooda kooxda Premier League ee ah 10 guul oo isku xigta oo gurigooda ah.
Liverpool ayaa dhalisay 17 kulan oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay garoonkeeda ku ciyaareen tan iyo October barbaro goolal la’aan ah oo ay la galeen Manchester City.
Sideed ka mid ah 12-ka gool ee ay Liverpool dhalisay xilli ciyaareedkan ayaa la dhaliyay qeybta hore ee ciyaarta.
Mohamad Salah ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay ee uu ka horyimid kooxda Newcastle.

Newcastle United :

Newcastle ayaa guuleysatay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen, waana sida ugu fiican  24kii kulan ee ugu danbeysay.
Magpies ayaa dhalisay lix ka mid ah toddobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti aheyd gool.
Wax guul ah ma aysan gaarin 27 kulan oo ay marti ahaayeen oo ay ka horyimaadeen kooxo laga soo bilaabo maalinta ugu sareysa horyaalka tan iyo markii ay garaaceen Derby 1972 (5barbaro, 22guuldaro).
Miguel Almiron ayaa laga qabtay offside todobo jeer horyaalka, afar jeer in ka badan inta ay kooxda Liverpool galeen.
Steve Bruce ayaa badiyay kaliya hal kulan 12 kulan oo horyaalka ah oo uu tababare  ahaa  oo uu Anfield soo booqday  (7barbaro, 4guuldaro,1guul).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here